Warbixin Ku Saabsan Socdaal Fir-fircooni Geliyey Kheyraadka Badda Oo Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysigu Ku Joogo Gobolka Sanaag
DAAWO SAWIRRADA Agaasime Fu’aad Cabdisalaan Oo Kormeer Ku Tegey Ciidammada Badda JSL Ee Fadhigoodu Yahay Saldhiga 3aad Ee Degmada Maydh
Maydh (Hubaal)- Wefti Uu Hoggaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Kheyraadka Badda Somaliland Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan oo Maalmihii u dembeeyey Socdaal ku marayay deegaanno Ka Mid Ah gobollada Sanaag Iyo Badhan haatanna ku sugan degmada Maydh Ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyada dawladda ee deegaankaas gaar ahaanna kuwa wasaaradda Kalluumaysiga ee Degmada Maydh.
Agaasime Fu’aad Cabdisalaan Xasan iyo weftigiisa oo u kuur galayay xaallada nololleed iyo habsami u socodka adeegyada dawladdu ka fuliso aaggaas ayaa waxaa uu la kulmay isla markaan shirar la qaatay iskaashatooyinka kalluumaysiga ee degmada Maydh ka hawl gala isaga oo warbixin ka dhegeystay masuuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ee deegaanka Maydh. Waxaa kale oo Agaasimuhu socdaal ku tegey saldhiga saddexaad ee ciidammada Illaallada Badda Somaliland oo fadhigiisu yahay degmada Maydh halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha badda ee saldhigaasi ku sugan. Sidoo kale waxaa uu agaasimuhu la kulmay goleha deegaanka ee degmada Maydh iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas, isaga oo uga warramay ujeedada socdaalkiisu daaran yahay oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid uu ugu kuur galayo geedi socodka nolosha deegaanka iyo sida ay uga hirgeleen adeegyada maamul daadejineed ee dawladdu ugu talo gashay degmooyinka dalka gaar ahaanna kuw a gobolka Sanaag oo ay degmada Maydh kamid tahay.
Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan , Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga ayaa lagu wadaa in uu subaxnimada hore ee Berri Khamiista u kicitimo degmada Laas-qorey ee gobolka Badhan, halkaas oo kamid ah deegaannada ka durugsan dalka intiisa kale ee aanay inta badan masuuliyiinta dawladdu ku badnayn socdaalkeeda. Safarka Agaasimaha ee Degmada Laas-qorey ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyey ee Masuul dawladda dhexe ka tirsani ku tago magaalladaas, tan iyo markiii uu madaxweyne Siilaanyo markii u horreysay socdaalka kusoo maray halkaas isaga oo dhagax dhigay deked ay degmadu yeellato.
Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga Dr. Fu’aad Cabdisalaan oo kamid ah masuuliyiinta da’da yar ee ka tirsan xukuumadda dhexe ayaa xilkan madaxweynuhu u magacaabay badhtamihii bishii August ee sanadkan, waxaana magacaabistiisa kadib muuqata dardar iyo firfircooni hor leh oo uu ku qaabilay xilka uu qaranku u igmaday.