“Md. Madaxweyne Maaha Muuse Biixi Nin Immika La Baranayo Iyo Nin Loogu Abaal-gudo Wax Aanu Geyin”-Muj. Mustafe Foodcadde
Hargeysa (Hubaal)- Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Abokor Muuse Oo ka tirsan Beellaha Ciidagale ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay In aanu Guddoomiyaha KULMIYE la simin xubnaha kale ee damaca musharraxnimadu ku jiro, iyaga oo sababo la xidhiidhiyey xuquuq ay sheegeen in musharraxiintani is dheer yihiin.
Xubnahan oo shalay hotelka dalxiis ku qabtay shir jaraaid ayaa ta’kiiidiyey mawqif hore ay ugu taageereen musharraxnimada guddoomiyaha KULMIYE ee shirka shanaad eegolaha dhexe ee xisbiga lagu dooran doono. “Annagu beel ahaan iyo oday ahaan waxaanu dhawaan yeelan doonaa shir ballaadhan oo lagaga hadli doono danaha beesha iyo guud ahaanba masiirka Somaliland, markaa waxaan leeyahay oo aan doonayaa inaan halkan ka sheego in masuuliyiintii siyaasadda ugu jiray beeshu in ay ka baydheen majarihii aanu u jeexnay iyaga oo aan qaadanayn amma ka leexdayba dantii beesha. Waxaan leeyahay Xildhibaanka iyo wasiir ku xigeenka reerka ka dhashay ee golaha dhexe ku jira iyo ragga kale ee golaha dhexe [ee xisbiga KULMIYE] ku jira waxaan leeyahay kaalaya oo ka soo qayb gala shirka uu reerku yeelan doono, maadaama oo aynu beel ahaan xisbiga KULMIYE nahay oo aynaan meelkale u hanqal taagayn” sidaa waxaa yidhi mid kamid ah odayaashii dhaqanka ee shalay shirka jaraaid ku qabtay Hargeysa, kuwaaas oo ku dheeraaday mawqifka beesha Abokor Muuse ee Xiisadda siyaasadeed ee ka oogan KULMIYE, waxaana uu intaa kudaray “xataa farriin kale ayaan u dirayaa kuwa xisbiyada kale galay ee beesha kasoo jeeda, waxaaanan leeyahay inkastoo dimuqraadiyadi jirto haddana hadaad beesha wakiil ka tihiin waxaanu jecelnahay in siyaasiyiintu hoggaamiyaan talada reerka oo ay ka talo qaataan odayaashooda oo halkii laysla qaato wax uga doonaan dadkooda. Mida kale ayaan doonayaa inaan ka idhaahdo musharraxiinta tartamaya; Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale oo midna wasiir ahaan jiray midna maanta yahay waxaa weeye niman reer Somaliland ah oo xaq iyo xuquuq leh oo aan naga xigan Muuse Biixi balse may soo halgamin”.
Dhinaca kale Oday Cabdi Diiriye oo kamid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay ayaa isaguna faahfaahiyey shirkooda jaraaid waxaanu yidhi “waxaa aynu isugu nimi munaasibad qiimo leh oo aynu ku xoojinayno arrinkeena iyo mawqifkeenna ku saabsan xisbiga KULMIYE oo aanu ku taageerayno Musharraxnimada guddoomiyaha Xisbiga KULMIYe Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo aanu garab taagannay madaxtinimada uu ka doonayo xisbiga KULMIYE iyo guud ahaanba dalka Somaliland” sidaa ayuu yidhi Oday Cabdi Diiriye, waxaana uu intaa ku daray isaga oo la hadlaya madaxweyne Siilaanyo “Madaxweyne halgan badan oo aad dalka u soo martay oo Somaliland oo dhan baa kuu abaal guday oo madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jiree ninkii dalkan loo doortay baad maanta tahay, markaa Madaxweyne sidii ay Beellahan Ciidagale iyo guud ahaanba reer Somaliland kuu soo dhaweeyeen markaad kursiga doonaysay adiguna u soo dhawee inankan [Muuse Biixi] oo saaxiibkaagii halganka. Waxaad madaxweyne ogtahay in uu ku dhaartay in isagoo adiga kursiga madaxweynaha kugu fadhiiisiya mooyee aanu isagu ku fadhiisan doonin hawaysan dooninna, kolkaa sidii uu kuugu dhaartay annaguna ugu taageernay ee aanu kuugu soo saarnay ayaa adiga iyo cidda kula socotana looga fadhiyaa”. Ayuu yidhi Oday Cabdi.
Sidoo kale waxaa isaguna xubnihii madasha ka hadlay ka mid ahaa Mujaahid Mustafe Cismaan Cali Food-cadde oo kamid ahaa mujaahidiintii iyaga oo da’ yar ka qayb galay halgankii dalka lagu xorreeyey, waxaanu yidhi “ sida dadkiii iga horreeyey ay sheegeen waxaa aynu halkan u fadhinaa taageerada aynu ku muujinayno cududda aynu la garab taagannahay mujaahidka weyn ee ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ah musharraxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE. Waxaan leeyahay Muuse Maanta maaha nin aynu baranayno, mana ah nin gaya in loogu abaal gudo oo la barbar eryo gabaarray la yidhaahdo noqda musharraxiin la tartanta Muuse. Waa la ogyahay in guushi madaxweynaha ee doorashadii 2010-kii uu Muuse Biixi Sabab u ahaa”.
Keyse Koosaar Cilmi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa xubnaha ka horreeyey ee madasha ka hadlay ku waafaqay mawqifkooda ay ku taageereen Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.