DAAWO SAWIRRADA: Dawledda Soomaaliya OO Sheegtay In Gaadhi Taarikada Somaliland Sita Uu ku Qarxay Muqdisho, Qasaaraha ka dhashay & Sheegashada Al-Shabaab
Muqdisho(Hubaal):- Ugu yaraan inta la ogyahay laba Qof baa ku dhintay Qarax loo adeegsaday Gaadhi Walxaha Qarxa lagu soo buuxiyey oo lagu qarxiyey duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku xidhnayd Taarikada ama Lambarka Somaliland laga isticmaalo, sida ay sheegeen Saraakiisha Nabad-sugidda dawladda Soomaaliya, isla markaana waxa la soo bandhigay Sawirrada Lambarkaas iyo Gaadhigaas qarxay oo baabba’ay badankiisu.
Qaraxan oo ka dhacay Sabtidii Bar kaantarool ku taalla deegaanka Siinka-dheer oo ah kidin magaalada Muqdisho laga gelo, waxaana la sheegayaa in Qaraxa Gaadhigan oo Ciidammada Sirdoonka Soomaaliya sheegeen inuu ku xidhnaa Taarikada Baabuurta Somaliland. Waxaana ku dhintay Askari ka mid ah Ciidammada NISA ee Soomaaliya iyo Qofkii Gaadhiga waday, waxaana ku dhaawacmay Hal Askari oo kale.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cumar Xalane oo Qaraxa ka dib la hadlay Saxaafadda, waxa uu yidhi; “Dembiileyaashu mar kale ayay soo qaadeen weeraradooda fulaynimo. Markan waxay weerareen bar-koontarrool oo ku taal Siinka-dheer oo dibedda ka ah Muqdisho.”
Qaraxan oo Maamulka gobolka Banaadir ku sheegay inuu ahaa mid Fuleynimo ah, waxa Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Idaacadda Dawladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho, ayaa baahisay Sawirrada Gaadhiga Qarxay oo baaba’ay, isla markaana watay Taariko laga leeyahay Somaliland sida ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka ee Idaacaddu soo xigatay.
Saraakiisha Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya, ayaa sheegay in Gaadhigu qarxay wakhti baadhitaan lagu waday oo uu Kaantarroolka taagnaa, waxaana goobta ku dhintay sida ay Saraakiishu sheegeen Askari ka tirsanaa Ciidammadii joogay Kootarroolka iyo Qofkii waday Gaadhiga qarxay.
Taliska hay’addaha nabad-sugida ayaa war ay galabta soo saareen ku sheegay in gaariga is qarxinta geystay lagu soo xiray Taarikada Soomaaliland, taasoo ay ku tilmaameen mid la doonayo in leysaga horkeeno bulshada labada dhinac. Gaadhiga Qarxay Taarikada Gaadiidka Somaliland ee uu watay ama ku xidhnayd waxa Lambarkeedu ahaa (34299), sida ay soo bandhigeen Saraakiisha Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya.
Aftahannews.com