Hargeysa (Hubaal)- Dhacdooyin iska soo horjeeda, isla markaana is-fasiraya ayaa ka kala dhacay xalay fiidkii xarumaha madaxtooyada ee looga kala arrimiyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.
Xarunta madaxtooyada Somaliland, waxa gabalku ugu dhacay xalay dhacdo diini ah oo la xidhiidha weyneynta qur’aanka karriimka, isagoo madaxweynuhu afur iyo casho u sameeyey arday da’yar ah oo ka qaybgalay tartanka qur’aanka kariimka ah ee bisha Ramadaan iyo culimada waaweyn ee dalka oo tartankaas maamulayey, isagoo sidoo kale baabuur cusub guddoonsiiyey ardayga ugu sarreeyey tartankaas, halka madaxtooyada Soomaaliya ku afurtay rasaas iyo qaraxyo gilgilay maqribkii xalay, kuwaasoo socday ilaa dhawr saacadood, halka rag Al-shabaab ka tirsanna gudaha u galeen xarunta Villa Somalia.
adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xaflad qiimo badan oo isugu jirta abaalmarin, afur iyo casho sharef u sameeyey ardayda ku tartamaysay xifdiga qur’aanka kariimka ah, culimada is-xilqaamay ee tartanka dhexdhexaadinaysay iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, arrintaasoo muujinaysa, fasiraadna ka bixinaysa heerka ammaan ee ka jira Somaliland, halka gudaha madaxtooyada Soomaaliya Al-shabaab kula dagaalameen ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM, khasaare culusna ka dhashay, arrintaasoo muujinaysa heerka ammaan-darro iyo dawlad la’aaneed ee xilligan ka taagan dalkaas.
Dhacdadii nabadda muujinaysay ee madaxtooyada Somaliland:
Xarunta Madaxtooyada Somaliland waxa lagu qabtay xalay xaflad aad u qiimo badan oo isugu jirtay abaalmarino, casho iyo afur loo sameeyey arday tartanka qur’aanka ah ka qaybgashay, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo xafladdaas martiqaadkeeda lahaa uu baabuur noociisu yahay TOYOTA NOAH guddoonsiiyey wiilka hogaaminayey ardaydaas ee kaalinta koowaad ku guulaystay oo magaciisu yahay Cabdillaahi Maxamed Cali, kana socday gobolka Maroodi-jeex, halka kaalmaha 2aad, 3aad iyo 4aadna ay kala galeen Shucayb Maxamed Cabdilaahi oo ka soo jeeda Gobolka Sool, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo reer Togdheer ah iyo Jamaal Cabdinaasir Xuseen oo Gobolka Maroodi-jeex metelayey, kuwaasoo iyaga abaalmarinno qaali ah la guddoonsiiyey.
Xafladda madaxtooyada Somaliland ee xalay oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda qaranka ugu sarreeya, culimada waaweyn ee dalka, arday aad u da’yar ah iyo masuuliyiin kale oo xilal kala duwan dalka ka haya, waxa ka muuqday jacaylka diinta islaamka, weyneynta qur’aanka kariimka ah oo qawlkii Ilaahay (SWT) ah iyo astaamo muujinaya farxad iyo raynraynta heerka nabadgelyo iyo amni ee ka jira Somalilad, arrintaaso ah nicmo xagga Ilaahay laga helay, dadka iyo dawladduna dedaal u galeen sidii loo sii adkayn lahaa.
Culimada tartankaas abaabulkiisa lahayd, ayaa iyaguna Madaxweynaha Somaliland guddoonsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka oo ay ku sharfeen culimada iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, madaama uu madaxweynuhu lahaa fikirka tartankaas, farayna Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta in sannad walba la qabto tankan qaaliga ku ah Somaliland, isaguna uu hormood ka noqdo marwalba dhiirrigelinta ardayda gobollada dalka Somaliland, balse ku kulma sannad walba kulankan muhiimka ah, iyadoo sannadkii horena uu ku guulaystay tartanka kii ka horreeyey arday ka socday Gobolka Sool, halka sannadkanna ku guulaystay wiil ka socda Gobolka Maroodi-jeex, kaalinta labaadna waxa galay wiil aad u da’a yar oo reer Sool ah.
Dhacdo naxdin iyo dagaal ahayd oo Madaxtooyada Soomaaliya gabbalku ugu dhacay:
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo watay gaadiid iyo waxlo qarxa, ayaa weerar khasaare badan sababay ku qaaday xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia gabbal-dhicii xalay, iyagoo masuuliyiinta, saraakiisha iyo madaxda madaxtooyada ku sugnaa ku afureen rasaas iyo dayaanka qaraxyada lagu weeraray, halkaasoo cidba haleeli wayday inay si nabad ah ku afurto, kuna cibaadasato, maadaama dagaalyahanno naftood-hurayaal ah gudaha u galeen qasriga looga taliyo Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab, ayaa wakaaladaha wararka u xaqiijiyey in dagaalyahannadoodu gudaha u galeen, isla markaana qabsadeen qaybo ka mid ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
“Dagaalyahannadu gudaha ayey u galeen meesha loogu yeedho madaxtooyada Soomaaliya, qaybo ka mid ahna waannu qabsannay, khasaare badanna waannu u gaysannay cadawga,” ayuu yidhi Sheekh Abuu Muscab.
Hasayeeshee, masuuliyiinta dawladda, ayaa saxaafadda u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya aannu xarunta madaxtooyada joogin xilliga weerarku dhacay, isagoo ku maqnaa goob kale oo Muqdisho ka mid ah, waxayna saraakiisha ammaanku sheegeen in ciidammadu dileen dagaalyahannada Al-shabaab ee hawlgalkaas fuliyey.
Dawladda Soomaaliya, ayaa dejiyey qorshe ay ku doonayeen inay xasilliyaan ammaanka Muqdisho muddada lagu jiro bisha Ramadaan, iyagoo qorshahaasna ugu magac-daray nabad ku afur, balse marka laga yimaad qaybaha kale ee magaaladaas, waxa lagu fashilmay in ammaanka madaxtooyada la ilaaliyo, iyadoo horraantii sannadkan sidan oo kale Al-shabaab weerar ugu qaadeen xarunta madaxtooyada ee looga taliyo Soomaaliya.