DAAWO SAWIRRADA: Dufcadii 7aad Ee Ka Qalinjebisay Jaamacadda ADMAS Oo Midaysay Shucuurta Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya

0
42

 

Gudaha Ka Akhri: Dufcadda Oo Ka Koobney 414 Arday Ee Ka Qalinjabisay Jaamacada Admas Ee Hargeysa

Hargeysa (Hubaal) – Dufcaddii todobaad ee ka qalinjebisa Jaamacadda ADMAS faraceeda Magaalada Hargeysa ayaa Isniintii inna dhaaftay lagu qabtay magaalada Hargeysa. Dufcaddan oo ka koobnayd 414 Arday ayaa qalinjebintoodu kulmisay mas’uuliyiin heer qaran ah oo ka kala socda dawladaha jaarka ah ee Somaliland iyo Ethiopia. Ardaydan ayaa ka qalinjabiyey ama bartay culuunta in ka badan todoba Kulliyadood oo ay jaamacaddu bixiso, kuwaas oo ay ka mid yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher-ka, Project Planning, Banking and Finance iyo kulliyado kale oo isgu jira shahaadada Koowaad iyo Labaad ee (degree and postgraduate). Xafladda Ardaydan loo sameeyey oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay aad ula dhaceen marti-sharaftii iyo masuuliyiintii ka soo qaygalay ayaa waxa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, xubno Wasiiro ah, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga Wadani, Maayarka Caasimada Hargeysa, Taliyaha Bileyska Somaliland, Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya Somaliland, Masuuliyiinta Jaamacada Admas ee Hargeysa iyo Addis Ababa, Waalidiin, Xildhibaano iyo xubno. Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa Ixsaan Cumar Ismaaciil kaas oo sheegay in maanta ay Jaamacada ka qalinjabinayaan dufcadii todobaad oo tiradoodu ay dhantahay 414 Arday, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa maanta farxad weyn ii ah in aan ku dhawaaqo in Arday tiradoodu dhantahay 414 Arday ay maanta ka qalinjabinayaan dufcadii 7aad ee Jaamacada Admas, waxaanay ardaydaasi ka qalinjabinayaan qaybaha kala duduwan ee ay ka midka yihiin Accounting-ka, ICT-ga, Management, Development Studies, Economics, Achitecher-ka, Project Planning, Banking and Finance.   “Waxaan halkan aad ugu hambalyeynayaa dhamaan ardaydan dedaalka ay joogteeyeen, gaar ahaana kuwa hadda dhamaystay shahaadada labaad (second degree” Ayuu yidhi Ixsaan Cumar Ismaaciil.

Gudoomiyaha Jaamacada Admas ayaa sidoo kale waxa uu amaan usoo jeediyey Maalimiinta iyo Proffesorada jaamacadaasi wax ka dhiga oo iyagu dedaal balaadhan muujiyey sidii ay usoo saari lahaayeen arday aqoon iyo karti leh’ sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha ADMAS.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guud ee Jaamacada Admas qayteeda Addis Ababa Dr Mulla Zagaie, kaas oo u hambalyeeyey ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Admas ee Hargeysa, waxaanu sheegay in ardaydan qalinjabinaysaa ay yihiin kuwo nasiib leh sababtoo ah buu yidhi waxaa dufcadii labaad ee la kulanka ama la kawsata in dawladda Ethiopia ay Jaamacada Admas ee Hargeysa u aqoonsatay jaamacad buuxda (full university), sidaa darteeda aad noqotaan wax soo saarkii jaamacada Admas.

Intaa ka dib waxa khudbadihii lagu wareejiyey Masuuliyiinta Qaranka Somaliland oo uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaana ugu horayna halkaasi ka hadlay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxaanu yidhi “Bishan sagaalaad waxa ay inoo tahay bil farxadeed, waa bil ubaxeenii uu qalinjabinayo oo uu ka qalinjabinayo dhamaan jaamacadaha Somaliland, waxaanan odhan karaa bisha September waxa ay inoo tahay bishii farxada iyo ubaxa soo koraya ee ku soo biiraya jiilka aqoonyahanka Somaliland ayaynu ugu magac dari karnaa.

Marka labaad waxaan u mahadcelinayaa jaamacada Admas madaxdeeda ee hawsha baaxada intaa leeg soo galisay sidii ay ardaydan halkaasi usoo gaadhsiin lahaayeen, waxa kale oo aan hambalyeynayaa waalidiinta ku soo tacday ardayda maanta halkan loogu dabaal degayo, nin waliba maalin buu leeyahay waa maalintoodii wiil iyo gabadhba waxa aan leeyahay hambalyo waa maalintiiniiye.

Waxa inoo farxad ah in inaga iyo dawladda aynu Jaarka nahay ee Ethiopia aynu iska kaashano dhinacyada horumarka ee xagga Amniga, dhaqaalaha iyo waxbarashada ay inoo tahay wax maanta dhamaanteen farxad ah, dawladda Ethiopia waxaanu Somaliland ahaan ugu hambalyeynaynaa in ay noo soo guuriso horumarka waxbarashadu ka kow tahay waxbarashadu waa waxyaaaha bulshada bedela, meel wax lagu bartay waxa ku yaraanaya qalalaasaha, inanku marka uu wax barto waxa uu yeelanayaa maskax furan oo balaadhan, nin aqoonyahan ah ayuu noqonayaa, waxa ku yaraanaya in bulshada uu ku dhex noolyahay inuu dhibaato u geysto” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku ku booriyey ardaydii ka qalinjabisay jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa inay ka fogaadaan Qabyaalada iyo Qaadka oo waxa aafeeyey bulshada reer Somaliland.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Jaamacadan Admas dadkii Abaabulay ee hadda wada, waxaan halkan ka hambalyeynayaa ardayda 410-ka kor u dhaaftay ee ilaahay subxaanahuu watacaalaa uu ku guulaysiiyey inay qaataan shahaadadii jaamacada, waxa kale oo aan hambalyeynayaa waalidiinta siiba hooyooyinka Somaliland oo maanta doorkii Aabaha iyo kii hooyadaba qaatay waxaanu leenahay hambalyo”. Ayuu yidhi Mudane Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi hadalo qiiro leh oo hambalyo, guubaabo iyo dhiirigalin isugu jiray Ardayda u jeediyey Faadumo Siciid oo ka socotay xisbiga Waddani iyo Guddoomiye ku xigeenka jeediyey aad ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay Wakiilka dawladda Ethiopia u fadhiya Somaliland, kaas oo ku dheeraaday xidhiidhka saaxiibtinimo ee Somaliland iyo Ethiopia ay wadaagaan, isla markaana ay labada dal iska kaashadaan dhinacyada Amaanka, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arimo kale oo tiro badan.

admas

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here