Hubaal KA DAAWO SAWIRRADA: Goob Qiyaas Ahaan Waqooyi/Bari Kaga Quman Hargeysa Oo Laga Helay Xabaal-Wadareedyo Cusub Oo Aan Weli La Baadhin
Hargeysa (Hubaal)- Goob qiyaas ahaan ku beegan dhinaca waqooyi bari ee magaalada Hargeysa, isla markaana cidhifka bari ee Jidka Boqol iyo Konton ku taal ayaa laga helay goob u muuqata inay tahay xabaal-wadareed ay ku duugan yihiin meydadka dad farabadan.