“Waxaanu aad iyo aad madluun uga nahay dhinacii amniga Oo Afar Askari Oo ammaanka noo sugayay Waa La Kaxaystay”- Oday Ibraahim Jubba-yaa-gubay
DAAWO SAWIRRADA: Guddida Odayaasha Ee Xaafadda Jungalka Oo Cabasho Ka Muujiyey Shufto Faro Baas Ku Haysa Amnigooda Iyo Rugtii Booliska Ee Aagaas Oo Albaabada Loo Laabay
Hargeysa (Hubaal)- Qaar ka mid ah odayaasha xaafadda Jungalka ee Degmada Maxamuud Haybe ayaa cabasho ka muujiyey shuftooyin faro baas ku haya bulshada xaafaddaas oo ay sheegeen in ay rugtii keli ahayd ee bilayska ee halkaasi ku taallayna albaabada loo laabay.
Xaafaddan oo ka mid ah xaafaddaha isku raranta ah ee ku yaalla degmadda maxamuud haybe ayaa ay sheegeen in aanay haba yaraatee waqti xaadirkan aanay lahayn saldhig boolis oo suga ammaankeeda, iyagoo sheeegay in rug-hoosaad boolis oo ka hawl geli jirtayna ay hadda xidhan tahay sababo dhaqaalle awgeed. Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddadii saldhigani ka furnaa xaafadda ay dadweynuhu ku diirsadeen isla markaana amnigeedu aad u wanaagsanaa balse xidhitaankeedu uu tuugta iyo shuftooyinka kale ee dadka baaadhaa aad u dhiiri geliyay. Waxaa ay baaq u soo jeediyeen xukuumadda Somaliland gaar ahaanna taliska booliska oo ay ka codsadeen in dib loogu soo celiyo saldhigii ka hawl geli jiray halkaas iyo ciidankii ku qornaaba.
“Waxaanu ka hadlaynaa rugtan aanu hadda taagannahay [xilliga ay warbaahinta la hadlayeen] oo xaafaddan Jungalku lahayd, runtiina saldhiga Eeriboodhka ee dhinaca koonfureed nagaga beegan ayaa noogu sokeeya wax bilays ah, dhinaca Waqooyina waxaa noogu sokeeya ka qudhac dheer, dhinaca barina waxaa noogu sokeeya saldhiga Ina Mooge.” Sidaa waxaa yidhi mid kamid ah odayaasha xaafadda Jungalka ee degmada Maxamuud Haybe, waxaanu intaa kudaray “Inta u dhaxaysa saddexdaas jiho ee naga kala fog ee ay saldhigyadu ku yaallaan, ma jirto wax rug ah oo bilays oo xaafaddu leedahay wax noo dhawina ma jiro. Waxaa ay ahaan jirtay markii hore meesha laga abaabulo ciyaalka yaryar ee rabshadaha sameeya, laakiin markii rugtan naloo sameeyay aaad iyo aad baanu ugu raynay, markii uu xidhmayna runtii aad baanu u dareennay. Annagu xaafaddan kuma haysanno kaabayaashi nolosha oo biyo kuma haysanno, tacliin kuma haysano oo laydh kuma haysanno, wax alla wax aanu dawladda ku qabnay oo naga soo gaadhay ma jirin marka laga reebo afar askari oo rugtan joogay oo aanu dugsanaynay, afartiina waa la kaxaystay, dee markaa ma garanayno wax meesha noo yaalla oo aanu ku noollaanaa”.
Xaajigani waxaa uu ka dayriyey nolosha xaafaddan iyo xaaladda amni ee bulshada ku dhaqan gaar ahaanna haweenka oo uu sheegay in markii uu xidhmay saldhigani ay kasoo bixi kari waayeen guryahay “ habeenkii bay [ciyaalkii rabshadaha waday] ay damaashaad sameeyeen markii la xidhay rugtii keli ahayd ee amniga sugaysay, immikana wax kale iska daayoo Dumarkayagii daaska kama soo adeegan karaan, sidaas darteed waxaanu leenahay oo aanu dawladda ka codsanaynaa in ay si dhakhso ah naloogu soo celiyo askartayadii iyo rugtayadii bilayska ee xaafaddan jungalka noo joogay, run ahaanna waxaa nasiib darro ah in lacagtii kirada dhismaha ay rugtu ku jirtay oo la yidhi waa la isk uqabtay ay ka muhiimsanaatay bulshadii inteeda kale, waar boqolka dollar iyo dadku waa kala weyn yihiin oo nabad gelyada ayaa ka weyn”. Sidaa ayuu yidhi Aabahan waayeelka ahi. Dhinaca kale Muwaadin Ibraahim Aadan Oo Lagu Naanayso Jubba-yaa-gubay oo isna kamid ah odayaasha xaafadda jungalka isla markaana si ku meel gaadh ah guddoomiye ugu ah guddida xaafadaasi ayaa ka deyriyey xaaladda amni ee ay ku sugan yihiin “sida odayaasha horeba ay sheegeen annaga oo aan horeba dawladda wax ugu qabin haddana Waxaanu aadiyo aad madluun uga nahay dhinacii amniga, waxa nala joogay afar askari oo ammaanka noo sugayay, afartiina waa la kaxaystay” ayuu yidhi Muwaadin Jubba Yaa Gubey.
Rugta booliska ee xaafadda Jungalka ayaa mudadii ay halkaasi ka furnayd ay ciidammadu cidhib tireen ciyaalkii iyo tuugtii amni darrada ku hayay dadweynaha xaafadda kuwaas oo bartilmaameedsan jiray agabka ay dadku sitaan sida mobillada ama lacagta iyo wixii kale ee muhiim ah.