DAAWO SAWIRRADA: Guddida Wadada Cad Oo Madal ay Isugu Keentay Qurbe-jooga U Hagar Baxay Hirgelinta Mashruuca Dhismaha Warbixin Tifaftiran Ku Siisay

0
49

Hargeysa:(Hubaal)-Kulan xog waraysi ah oo lagu lafo gurayey Halka ay marayso Mashruuca waddada cad ee Hargeysa, Sallaxley-ina Guuxaa, ayaa xalay lagu qabtay Hutel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa, iyadoo Kulankaasna ay soo qaban qaabiyeen Guddida Gacanta ku haysa waddadaas oo haatan heer fiican maraysa.Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Qurbejoog tiro badan oo deegaankaas waddada laga hirgelinaya kasoo jeeda, iskuna jira Rag iyo dumar, Aqoonyahan, dhallinyaro, Salaadiin, Culimo, iyo Guddida Mashuucan gacanta ku haysa oo uu kor kacayo Guddoomiye Cali Ibraahim Maxamed, ayaa warbixin dheer oo tifafaftiran lagu siiyey Qurbejoogga sida joogatada qaadhaanka iyo talo-bixinta waddadaas uga soo qaybqaadanayey. Warbixinta Mashruuca waddada cad, ayaa waxa lagu saleeyey wax aka qabsoomay dhismaheeda, qabyada ku jirta ee u baahan in laga wada qaybqaato iyo waliba caqabadaha cusub ee kusoo kordhay shaqada ay guddida Hawsha gacanta ku haysaa hayaan, waxana Martidii halkaas ku sugnayn si waadix ah loogu balballaadhiyey baahiyaha ugu waaweyn ee haatan u baahan in wax laga qabto. Ugu horrayn Guddoomiyaha Mashruuca Waddada Cad Md Cali Ibraahim Maxamed(cali-sanyare), ayaa martidii halkaas ku sugnayd oo u badnaa Qurbejoog dhaqaalaha waddadaas gacan weyn kasoo geystay iyo qolqol-joog qudhoodu hantidooda u huray dhamaystirka dariiqaas uga sheekeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen Guddi ahaan iyo waliba arrimaha muhiimka ah ee u baahan wakhti xaadirkan in gacmaha la isku qabsado si hawsha inta dhimanina si fiican ugu gebgo gebawdo. Mudane Cali-sanyare waxa uu martidii halkaas ku sugnayd u sheegay in haatan la gudo gelayo shaqo adag oo u baahan in guntiga dhiisha la iskaga dhigo, isagoo xasuusiyey inaanay wax fudud ahayn in dariiq intaas dherer le’eg la dhisaa, “waxa lagu jiraa tallaabdii ugu dambaysay wajigii saddexaad oo aan loo kala hadhaynin oo ah halkii ugu muhiimsanayd, waddo la dhisaana ma hawlyara, waxa aynu wadnaana eek u hawllanahayna waa waddooyinkii xukuumaduhu dhisi jireen ee waliba ay ka heli jireen taageero dawlado shisheeye ah ama ay usoo qaadan jireen Lacago amaah ah.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cali-sanyare. Guddoomiye Cali-sanyare waxa uu faahfaahiyey horumarka ay Waddada cadi samaysay iyo mashaariic hor leh oo kusoo biiray, waxana uu xusay inay soo baxday waddo kale oo u baahan in dhismaheeda loo hawlgalaa, waxana uu yidhi, “waddada aad ogtihiin waa tii ahayd Hargeysa-Sallaxley-ina Guuxaa waa ay barakaysnnayd, haddana waxa ay dhashay saddex waddo kale iyo laba mashruuc oo kale, haddii aad hal mashruuc ku ogaydeena Afar mashruuc bay noqotay. Waxana dhammaan doona 36-km, Waxana hadhi doona 32-km oo qorshahoodii aanu dhamaynay, nasiib wanaag waxa ku biirtay waddo kale oo Ina Guuxaa ilaa aware ah oo qaarkiin dedaal badan ku bixiyeen, gaar ahaan Qurbejoogga, Deegaankaas kasoo jeeda iyo Dawlad-deegaanka Soomaaliyeed ee Ethiopia, gaar ahaan Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo si weyn u taageeray.” Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Cali-sanyare ku dheeraaday faa’iidooyinka kasoo bixi doonaan marka ay mashaariicdaasi dhamaystirmaan, waxana uu rajo fiican ka muujiyey in ugu yaraan laba sano ay kusoo gebogeboobi doonaan haddii si fiican loogu hagarbaxo, “Marka mashaariicdaasi dhammaadaan dhaqandhaqaalaha dadka deggeni waa isbeddeli doonaa, Haatanna ina guuxaa Tawor-kii baa ladhigay, dhawaanna idinkoo meelihiina iska jooga, ayaad reerihiina Hawdka la hadli doontaan, waxana aanu jecellahay in mashaariic badan la isku wada xidhi doono oo la dhaqaajin doono, waxanse isleeyahay labada sanadood ee soo socda intooda badani waa ay dhammaan dooonaan.” Ayuu ydhi Md Cali-sanyare. Waxa uu Qurbejoogtii halkaas iskugu timi faray farriin nuxurkeedu ahaa inay gacmaha isu qabsadaan sidii waddadaas inteeda hadhsani loo soodhamaystiri lahaa, waxana uu yidhi, “Fariintayadu waa marka aad dalalkiinii ku laabataan inaad bulshadii halkaas joogtay u warrantaan oo usheegtaan Hawlaha aanu idiin sheegayno iyo wabixinada kasoo bixi doona su’aalihiina, waliba usheegtaan inay tahay tallaabadii ugu dambaysay Mashruucan. Waana inaad dadka guubaabisaan oo ku dhiirrisaan inay gacanta furaan oo arrintaas u guntadaan .” Eng. Yuusuf Geydh oo isagu ah Khabiirka dhimaha waddada gacanta ku haya oo halkaas ka Hadlay, ayaa si hufan u faahfaahiyey dhismaha waddadaas haatan gacanta lagu hayo iyo waliba midda cusub ee la doonayo in dhawaan la bilaabo. Eng. Geydh waxa uu sheegay in Waddada Cusub ee 32-KM ahi ka dhibaato badan tahay midda haatan la gebogebeeyey, waxana ku dheeraaday caqabadaha ay waddadaasi leedahay ee u baahan in laga gudbo, “32-km ee inoo hadhay waa intii ugu adkayd ee ugu dhibaatada badnayd, bankuna dhibaatadiisa ayuu leeyahay oo marka Banka badhtankiisa la marayo carro-tuulka sallaxley iyo ka qoolcaday mid waliba 7-km buu u jiraa, wuuna kharash badan yahay. Waxana uu leeyahay biyo-rog Galbeed iyo Bari u socda oo ballaadhkiisa oo dhan qaadanaya, si aynu arrinaas uga tabaabulshaysanana Banku waxa uu noqonayaa 15-KM, Waxana ay u baahan tahay in loo sameeyo ilaa iyo 24-goobood oo Biyuhu ka dusaan,” ayuu yidhi Eng. Geydh. Mar uu Eng. Geydh ka Hadlayey Qiimaha macquulka ah eek u bixi kara Dhamaystirka waddadaas, ayaa waxa uu yidhi “Markaanu qiimayn samaynay waxa ku baxaya ugu yaraan Saddex Milyan iyo lixdan kun oo Dollar baa gelaya. Waxana aan aaminnsanahay inaynu ka gudbi karno haddii aynu si daacad ah ugu hagar baxno.” Dhinaca kale Xil. Siciid Maxamed Libaaxo Oo Ka mid ah guddida mashruuca wadada Cad oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad naqay dadweynihii iyo shacbigii gudo iyo dibadba ka qayb qaatay qaadhaanka dhismaha wadada loo ururinayo. Ugu dambayntii waxa Halkaas su’aalo iyo talooyin badannba lagaga dhegaystay Dadkii Qurbejoogga ahaa ee halkaas ku sugnaa, waxana si saraaxad leh dadka looga aqbalayey talooyin badan oo muhiim loo arkayey, kuwaas oo salka ku hayey sidii Waddada inta dhiman loo dhamaystiri lahaa, loona raadin lahaa kharashka ay u baahan yihiin Guddida Gacanta ku haysa Mashruucani.

DSC05132

DSC05131

DSC05130

DSC05113

DSC05106

DSC05102

DSC05098\
ert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here