DAAWO SAWIRRADA: Guddiga Doorashooyinka  Soomaaliya Oo Laalay Kuraasta jufooyin Kamid ah Beellaha Somaliland + Magacyada Iyo Muuqaalka Xubnaha  

0
62

“Guddidu Waxay Cadaynaysaa Inaanay Aqoonsanayn Inaanu Aqoonsan Doonin Natiijada Doorashada Kuraasta Jufooyinka Dhamal Aadan Iyo Abbokor Muuse Ee Beesha Ciidagalle, Taas Oo Wax U Dhimaysa Geeddi-Socodka Doorashada 2016-Ka”

 Muqdisho (Hubaal):- Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaalka Soomaaliya, ayaa hakiyey doorashada Xubnaha Baarlamaanka Federaalka u metelaya Beelaha Somaliland oo toddobaadkii hore ka bilaabantay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, isla markaana waxay shaaciyeen inaanay aqoonsan doonin doorashada Xubnaha ka soo jeeda Beesha Ciidagale qaarkood oo doorashadoodu dhacday 16-kii bishan. Waxay Guddigu sidaa ku Sheegeen War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ay Doorashada Xildhibaannada Beelaha Somaliland Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya u meteli doona ee doorashadoodu ka socotay magaalada Muqdisho, welina aan la dhammaystirin, waxaanay Guddigu muujiyeen in muran iyo qaladaad nidaamka baal-marsan oo Xubnaha qaar lagu doortay, sidaa daraaddeedna, waxay sheegeen inay Guddi heer Federaal ah u magacaabeen Turxaan-bixinta arrimahaas iyo inay Guddigaasi qaab Farsamo wax u fahansiiyaan Madax-dhaqameedka Beelahaas. Nuqul ka mid ah War-Saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Federaalka Soomaaliya oo wargeyska HUBAAL kasoo xigtay degelka Aftahannews.com ayaa waxa Qoraalkiisu u dhignaa sidatan:- “Guddiga Federaalka hirgelinta doorashooyinka Dadban (GFHDD) oo xilalkiisa iyo waajibaadkiisa ay ka mid tahay kormeerka hannaanka doorasho iyo hubinta habraaca ay ku yimaaddaan Xubnaha Musharrixiinta wuxuu caddaynayaa in si ku-meel-gaadh ah loo hakiyey doorashada Xubnaha Beelaha Somaliland u metelaya Golaha Shacabka ee Muqdisho ka socday. Guddigu wuxuu sidoo kale caddaynayaa inaanu aqoonsan doonin natiijada doorashada Kuraasta Jufooyinka Dhamal Aadan iyo Abbokor Muuse ee Beesha Ciidagale oo markay Taariikhdu ahayd 16 December 2016 ka dhacday magaalada Muqdisho, maaddaama oo ay goobta doorashada ka maqnaayeen Warbaahinta iyo Goob-joogayaasha doorashooyinka, taas oo wax u dhimaysa daah-furnaanta iyo ku kalsoonaanta hannaanka geeddi-socodka doorashada 2016-ka. Guddigu wuxu u saaray sixidda arrimahaas Guddi heer Federaal ah oo ka qaybqaata turxaan-bixinta arrimaha Madax-dhaqameedka, isla markaana siiya talooyin farsamo oo la xidhiidha diyaarinta hawlaha lagama maarmaanka u ah dhammaystirka doorashada Beelaha Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya, sida ka muuqata Warqadda ka soo baxday Guddiga.

Waa Kuwee Kuraasta La Laallay?.

axmed-dhego-iyo-jaamac-askarSida ay saddex maalmood ka hor shaacisay Warbaahinta Maxalliga ah ee ku sugan magaallada Muqdisho, doorashada kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo in dhawaaleba ka socotay magaalladaas ayaa 16kii bishan waxaa ay ergooyinka beellaha ciidagalle  u matalaya doorashadaasi waxaa ay ku soo saareen magacyada laba xubnood oo ay sheegeen in ay ku guulaysteen laba kursi oo jufooyinkoodu ka heleen saamiga aqalka hoose kuwaasi oo kala ah Axmed Maxamuud Sh. Warsame [Dhego] oo isagu u tartamay kursiga beesha Abokor Muuse Daa’uud [Ciidagale] iyo Jaamac Maxamed Askar oo isna u tartamay kursiga beesha Dhamal Aadan oolabadoodu ka tirsan beellaha Ciidagale.

doorashada-xubnaha-somaliland-ka-soo-jeeda-oo-la-hakiyey-iyo-kuraas-la-laalay-2016-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here