GUDAHA KA AKHRI: Magacyada Shirkado Iyo Shakhsiyaad Uu Guddoomiyaha SONYO Shahaado Sharafyo Ku Maamuusay Maanta
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Cabdicasiiis Siciid Saalax, ayaa Shahaado-sharafyo ku Maamuusay Shirkado Hal-abuurnimo fiican lagu abuuray oo sameeyey Ganacsi faa’iido u keenay Bulsahda, kuwaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenku guddoonsiiyey Shahaadooyinka uu Guddoomiyaha SONYO ku maamuusay.
Hadal uu Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Cabdicasiis Siciid ka jeediyay Munaasibaddii Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland ee 20 February oo lagu qabtay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa ku ammaanay Shirkadahaasi Ganacsi ee Hal-abuurka Ganacsi ee ay la yimaaddeen iyo tayada adeegyo fiican oo lagu farxo, faa’iido ganacsina leh oo ay Bulshada u soo kordhiyeen.
Waxa uu Guddoomiye Cabdicasiis Siciid Saalax ku boorriyay Bulshada in ay la yimaaddaan fikir Hal-abuurnimo Ganacsi leh oo Shacabku faa’iido ka helo, tusaalana u noqda Da’yarta Soo koraysaa in ay ku daydaan, waxaanu yidhi; “Waxaan aammaanaya Afar Shirkadood oo la yimi fikir Hal-abuurnimo oo ay sameeyeen Dad Muwaaddiniin ahi, kuwaas oo Ganacsigooda ku guulaysatay, isla markaana Bulshada meel fiican ugu jira, waxaan leeyahay hallagu daydo Shirkadahaas horumarkooda.”
Shirkadahan Ganacsi ee maanta la guddoonsiiyay Shahaadooyinka, ayaa ah kuwo dhawaan laga hirgaliyay Somaliland, iyaga oo fikirkooda Hal-abuurnimo ay leeyihiin Muwaaddiniin Dhalinyaro ah oo Somaliland ku dhaqan.
Shirkadaha Maanta la guddoonsiiyay Shahaadooyinka waxay kala yihiin;-
Xarunta Daabacaadda Buugaagta Mannhajka Somaliland ee Hema
Shirkadda Daabacaadda ee Sagal Jet
Shirkadda Ganacsiga ee Asli
Shirkadda Tagaasida ee Super Taxi One.