DAAWO SAWIRRADA: Haweenka GAAROODI Oo Dhagax Dhigay dhismaha Cusbitaal Loo Qoondeeyey Dadka Xiskoodu Dhiman Yahay Oo Laga Bineeyey Deegaanka QALAX

0
97

Hargaysa:(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye Iyo Haweenka Ururka Gaaroodi, ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Cusbitaal dhimirka ah oo laga hirgelin doono Deegaanka Qalaxa ee Koonfurta Magaalada Hargeysa. Cisbitaalkan oo ay dhisi doonaan Ururka Haweenka Gaaroodi, ayaa Munaasibad kooban oo loogu qabtay Deegaanka Qalax ee Duleedka Konfureed ee Magaalada, waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Caafimaadka Somaliland, xubnaha Ururka Haweenka Gaaroodi, Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Mudane Cali-sanyare , Gudoomiye-ku-Xigeenka Guddida Horumarinta Beelaha Deegaankaasi Caaqil C/risaaq Maxamed Askar , Boqor Raabi Yuusuf C/laahi , Madax dhaqameed , Aqoonyahan , Qurbo joog , Dhalinyaro , Haween iyo Dadweyne kale oo aad u tiro badan. Ugu horrayn Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Mudane Cali Sanyare, waxaanu ku dheeraaday qiimaha Haweenka Gaaroodi ku leeyihiin Dalka isagoo ka waramay kaalinta ay ka qaatay Horumarinta Deegaanka isagoo si gaara carrabka ugu dhuftay Cusbitaalka sallax;ey oo uu sheegay in ay iyagu dhiseen isla markaaan ay qalabeeyeen. Guddoomiye Cali-sanyare waxa uu sheegay in ay haweenkan Gaaroodi ballan qaadeen dhismaha Cusbitaalkan dhimirka oo ay qalabeyn doonaan isagoo ugu baaqay bulshada deeganka iyo dadka wanagga jecelba in ay qeybtooda qaataan oo ay wax ku darsadaan . Waxaa iyana halkaasi ka hadashay Marwo Canab Iimaan oo katirsan Ururka Haweenka Gaaroodi, waxaanay tilmaantay in ujeeddada halkan la isugu yimi tahay arrin caafimaad, isla-markaan ay dhagax dhigi doonaaan Cusbitaal Dhimirka Ah maadaama bay tidhi ay Dadkeeni in badan oo ka mid ahi ay xanuunka waallida u jiifaan . Marwo Canab iimaan ayaa xukuumadda ugu baaqday in ay kala qeyb qaataan hirgalinta dhismaha Cusbitaalkan oo bulshada muhiimad weyn u leh. Waxaa ugu danbeyn halkaasi ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, waxaana uu amaan balaadhan dusha u saaray Haweenka Gaaroodi isagoo ku tilmaamay in ay yihin Haween ka soo dhex mudhay haweenwaynaha reer Somaliland . Waxaanu Wasiir Xaglo-toosiye ku dheeraaday Xanuunka Dhimirka iyo sida uu bulshada u sameeyay isagoo ballan qaaday in kaalin libaax leh ka qaadan doonaan dhismaha cusbitaalkan dhimirka ah .

DSC05157-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here