DAAWO SAWIRRADA: Shirweynaha La-dagaallanka Aafada Tahriibta Oo Hargeysa Ka Furmay Iyo Hay’adda Caalamiga ah ee CARE Oo Maalgelisay
Hargeysa:(Hubaal)-Shirweynaha heer qaran ee la-dagaallanka iyo wax-ka-qabashada dhibaatad Tahriibta, ayaa magaalada Hargeysa ka furmay, waxan maalgelisay hay’adda caalamiga ah ee CARE International, waxaana fulintiisa iyo qabanqaabadiisa kala qayb gashay dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO
Munaasibadda shirkan waxa kasoo qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno gelayaasha Baarlamaanka katirsan, mudaneyaal kacday dalka Djibouti, saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo weliba masuuliyiin kale oo lagu casuumay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo shirkaasi furay, ayaa hay’adihii kala duwanaa halkaas ku sugnaa ku boorriyey inay xil gaar ah iska saaraan sidii dhibaatada tahriibta meel looga soo wada jeedsan lahaa, isla-markaana si wada jir ah looga hortegi lahaa aafada tahriibta.
Marwo Hodan Cilmi oo kamid ah saraakiisha saree e hay’adda Care International oo halkaas ka hadashay, ayaa ujeeddada shirkan sharraxday, “Mashruucani waxa uu soo saaray Qiimeyn guud, wasaarad walba waanu marnay si aanu u oggaano xogta runta ah, inta dhallinyarada ah ee sanadkii naga baxda, meelaha ay maraan iyo weliba inta qoys eek u baro-kacda arrintan” ayey tidhi marwo Nimco.
Cabdirsiaaq Muuse oo ka socday hay’adda Care International, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay shirkan go’aamo muhiim ah iyo weliba talooyin dhaxal-gal ah ka filayaan, isla-markaana ay qiimayn doonaan wixii kasoo baxa.
Wasiirro iyo saraakiil kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh u sharraxay dhibta tahriibta, waxana halkaas lagu lafo-guray sidii xal waara looga gaadhi dhibaatada tahriibta oo sanad walba ay noloshooda ku waayaan kumanaan dhallinyaro ah oo Somaliland iyo dalalka kale ee geeskaba u dhalatay.