DAAWO SAWIRRADA: International Hospital Hargeisa Oo Khamiistii Adeeg Caafimaad Oo Bilaash Ah Ka Fuliyey Cusbitaalka SALLAXLEY+Bukaan Tiradoodu Gaadhayso 700 uu Daweeyey

0
160

Sallexley (Hubaal)- Waxaa Maalintii Khamiistii 07 May 2015 adeeg caafimaad looo sameeyay Dad Tiradoodu Gaadhaysay 700 Ruux oo bukaan Soocd ah. Dadkan ayaa adeeggan loogu fuliyay Cusibtaalka Salaxley waxaana adeeggan Hirgalinayay Cusbitaalka International Hospital Hargaysa.

Adeeggan oo ahaa mid ay si wayn ugu diirsadeen Dadka ku dhaqan Deegaanka Salaxley iyo Tuulooyinka ku Hareeraysanba ayaa waxaa goob ka ahaa Saraakiil ka socotay Dhakhtarka , Madax Dhaqameed , Maamulka Degmada Salaxley .

Waxaana adeeggan si habsami ah u fidiniyay Dhakhaatiir Masaari ah oo si degen u xaal wareesanayay Dadka bukaan Socodka ah ka dibna la tacaalayay hadba xanuunka qofkaasi hayya .

Dadkan bukaan socoka ah ayaa si bilaash ah loo daweenayay iyadoo sidoo kalena la siinayay Dawooyin bilaash ah .

Waxaana ay ahayd Tirada dadka maanta adeegga caafimaad loo sameeyay 700 oo qof kuwaas oo isugu jiray kuwo dawooyin la siiyay iyo kuwo loo soo Gudbiyay cusbitaalka International Ee Hargaysa .

Mid ka mid ah Maamulayaasha International Hospital Fu’aad Cabdi Salaam ayaa faahfaahinayaa Hawlgallada Caafimaad ee Cusbitaalka Internationa Siiyo bulshad Qeybaheeda kala Duwan Waxaanu yidhi “ Runtii Farxad wayn ayay noo tahay Maanta in aanu nimaadno Salaxley oo aanu in muddo ahba ka shaqeenaynay in aanu bixino adeeggan caafimaad , Dhakhtarka International Hospital Hargaysa Waxaa uu sameeyaa labadii biloodba hawl gal caafimad oo loogu talo galay in uu siiyo Dadka Deegamada Miyiga ee aan sida fiican u helin adeegga caafimaad , Doorkii kowaad waxaanu Tagnay Deegaanka Dacar Buruq oo aanu ka fulinnay Adeeg Caafimaad oo aanu siinay in ka badan 800 Qof oo wixii u baahday Qalniinna aanu si bilaash ah ugu qalnay Cusbitaalka “

Sidoo Kale Maamulaha ayaa ka warbixiyay Hawlgalka caafimaad ee ay Maanta ka fuliyeen Cusbitaalka Salalxley Waxaanu yidhi “ Maanta waxaanu nimi Salaxley oo aanu ka fulinayno adeeg Caafimaad waxaa nala socda 10 Doctor oo ay ka mid yihiin Dhakhtarka Caruurta , Dhakhtarka Haweenka , Dhakhtarka Cudurada Guud , Dhakhtarka Maqaarka ,Dhakhtarka Lafaha , Dhamaaantoodna waxay bixinayaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah waxaanu dadka siin doona Dawooyin bilaash ah sidoo kale wixii xaaladdoodu adagtahay ee u baahan Qalniin ama u baahan daawooyin kale waxaanu u gudbin doonaa oo aanu ku daween doonaa Cusbitaalka Internatinal Ee Hargaysa , Muddo todobaad ahba hawsha waanu ku jirnay Dadka waanu sii diinwaangalinay , dadka qaarba Deegaanno fog fog ka yimid inkastoo Xagg roobka ay caqabado ka yimaaddeen haddana dadku si fiican ayay u yimaadeen waxaana immika jooga dad ka badan 600 qof oo ay dhakhaatiirtu u sameenaya adeegyo caafimaad ”

Geesta kale waxaa hay’adda Gargaarka Africa ayaa Ka fulisay isla Salaxley Qeybinta Deeq Raashin ah oo ay hay’addu u qeybisay 200 oo qoys .

Waxaana halkaasi ka halday Gudoomiyaha Hay’addaasi Maxamed Murdi waxaanu sheegay in ay deeqdani tahay Waajib ay lahaayeen oo ay guteen isla markaana ay sii wadayaan garab istaagga iyo caawinta walaalahooda muslimiinta ah .

Waxaa Halkaasi Hadalo Mahad naq ah ka jeediyay La taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Bulshada Maxamed Iid Dhinbiil Iyo Maayirka Degmada Salaxley Shiine Tahar waxaanay hay’adda uga mahad naqaeen Deeqdaasi ay gadhsiisay Dadka Danyarta ah iyo waliba adeega caafimaad Ee uu cusbitaalka International ka fuliyay Deegaanka Salaxley .

Waxaa xusid mudan in Ururka Gaaroodi Uu shahaado Sharaf ku maamusay Dhakhaatiirtii Maanta adeegga caafimaad ka fulisay Salaxley .

Si kastaba aha haatee Degmada Salaxley waxaa Maanta laga fuliyay Laba Adeeg oo kala aha Adeeg Caafimaad oo shacabka Deegaankaasi ku diirsadeen iyo waliba Deeq Raashin ah oo la gaadhsiiyay 200 Qoys waxaa intaasi u dheeraa Deegaanka salaxley in alle U shubay Raxmaadkiisi oo ay halkaasi si mug leh ay uga curteen Roobabkii Gugu aadna loogu diirsaday

11023518_10203670777201609_654752017257469190_n

18597_10203670817922627_2250226996965443392_n

1468655_10203670809082406_4051371697366478172_n

10358549_10203670774721547_1408920735533127114_n

10982844_10203670775841575_4042828496940086719_n

11011938_10203670779801674_2402152571028102172_n

11020261_10203670799602169_6322918270612927914_n

11150839_10203670803002254_7992914039209211879_n

11036802_10203670782241735_8812109372553075875_n

11059547_10203670778241635_8032340248996151159_n

11062709_10203670777641620_8699586915942905965_n

11092129_10203670804762298_174111645909961522_n

11136755_10203670788001879_8415208516955312064_n

11150675_10203670780921702_6647594942634937862_n

11205013_10203670872483991_6614528210656459845_n

11150939_10203670813642520_8682662564832670228_n

11159948_10203670775121557_4515706520185632564_n

11167793_10203670782841750_2590002075789077643_n

11203172_10203670773361513_8371232890516219961_n

11203231_10203670780321687_8815028950583333151_n

11204992_10203670786401839_4156747411591430899_n

11205011_10203670776441590_5922442597688861085_n

11215834_10203670785001804_7301678793543194187_n

11229763_10203670800482191_6400690495969433220_n

11233531_10203670781601719_7151105032054544804_n

11246263_10203670770841450_8733986375198452845_n

11255332_10203670805762323_4476120530867013853_n

11258146_10203670774201534_1467442021857429176_n

11259151_10203670783921777_6044434892833157285_n

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here