DAAWO SAWIRRADA: Kulan Ay Aqoonyahanka Reer Somaliland Ee Wax Ku Soo Bartay Hindiya Isugu Yimdeen Iyo xarun Cilmi-Baadhiseed Oo Ay Ku Dhawaaqen
Hargeysa,(Hubaal) — kulan is xog waraysi ah oo ay isugu yimaadeen aqoonyahanada reer Somaliland ee dhowaan wax ka soo bartay Dalka Hindiya.
Kulanka aqoonyahanka asia wax kusoo bartay India oo caaawa ka dhacay Son Hotel ee Magaalada Hargetsa ayaa waxaa halkaa hadalo kasoo jeediyay gudigii soo qaban qaabisay kulankaas ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gudigaas Mohamuud Haji muse waxaanu si kal iyo laableh usoo dhaweeyay xubnihii kasoo qayb galay.
Sidoo kale waxaa halkaa mawduucii kulanka ka jeediyay Ahmed-yasin Sh cumar oo kamid ahaa Xubnihii gudidda Waxaanu halkaa ka jeediyay mawduuc wanaagsan oo cinwaankiisu ahaa Doorka aqoonyahanka iyo horumarka kulamada noocan ah oo afur wadaareed xiliga ramadaanta kulmi jireen ayaa waxaa aqoonyahankani isbedel ku sameeyay waxaanay ku dhawaaqeen Machad cilmi baadhis oo dhawaan kaga dhawaaqi doonaan magaalada hargeisa kulankani wuxuu iftiiminayaa in ay aqoontu qayb wayn ka noqon karto koboca iyo koriinka garaadka biniaadanka oo horseedi kara dad is fahma dhinac u wada socda oo raad wanaagsan oo lagu yagleelo dhisa “ma dooran kartid cida aad ka dhalatay oo ilaahay awoodisa ayay taasi u sugnaatay laakiin waxaad kaliya leedahay inaad doorato cida aad ka mid noqonayso kuwa wanaagsan/xun”.
Waxay halkaas ku qaateen dood wadaad qaabkii aqoontooda ugu tabaruci lahaayeen qarankan waxaa halkaas doodo adag kusoo bandhigay Eng Mahamuud Dr hassan cabsiye Idiris cabdi xirsi Aqooyahan Xassan dheere iyo aqoon Mohamed dahir Bootaan iyo xubnaha intoodii badnayd waxaanay isla gartaan in qarankan wax ku kordhiyaan.