Hargeysa (Hubaal)- Kulan Diimeed ay soo qabanqaabiyeen Machadka faafinta diinta islaamka oo ay ka qayb galeen in ka badan 150 dhalinyaro ah oo ka kasoo jeeda degmada Maxamuud Heybe ayaa maalintii shalay lagu qabtay Hotel-ka Dalxiis ee magaalada Hargeysa.
Kulan diimeedkan waxaa sidoo kale ka sooqayb galay qaar kamid ah culimaa’udiinka waaweyn ee dalka kuwaas oo muxaadarooyin diini ah u jeediyey dhalinyaradan kuwaas oo ku nuuxnuuxsaday ahmiyada ay diinta islaamku siisay kobcinta dhalinyarada oo iyaga laftoodu muhiim u ah kor u qaadka faafinta islaamka iyo ka wacyi gelinta bulshada waxyaabaha ay diintu mamnuucday.
Ugu horeyn halkaasi ka hadlay wakiilka machadka faafinta diinta Islaamka ee gobolka Maroodijeex Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali, waxaanu ka warramay dariiqa ay diinta islaamku ujeexday in aqoomaha Illaahay raacaan, kaas oo ay laf dhabar u tahay qabsashada xadhiga Illaahay iyo oogida cibaadooyinka. Sheekhu waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in jiilka soo korayaa ay laf dhabar u yihiin bulshada sidaas darteedna ay lama huraan tahay ku wacyi gelinta sunnaha Nebigeenu NNKHA inoo hor seeday. Sheekh Xasan Qorane waxaa uu muxaadarradiisa ku dhereray kaalinta ay waalidku kaga jiraan tarbiyada iyo barbaarinta ubadka iyo weliba masuuliyada ka saaran dhismaha Qoyska. Waxaa uu sheekhu ku dardaaray dhalinyaradii kulankaasi ka qayb galay in ay ka fogaadaan waxyaabaha u daran naftooda, diintooda iyo aakhiradoodaba kuwaas oo uu sheegay in ay ugu horeyso balwadaha, caasi waalidka iyo goynta xidhiidhka alle.
Dhinaca kale waxaa isaguna halkaasi kahadlay oo khudbad diini ah u jeediyey dhalinyarada Sheekh Maxamed Cawil Cismaan,oo isaguna ka mid ah culimaa;udiinta dalka, waxaanu faahfaahiyey in khudbadaha iyo muxaadirooyinka diiniga ahi ay ka turjumayaan hadalkii ilaahay, sidaas oo ay tahayna ay marka uu qofka muslimka ahi maqlo ama meel uu ku sugan yahay laga akhriyo muxaadaro aanu u qaadan hadal qof iska leeyahay balse uu qalbigiisa iyo niyadiisa u soo jeediyo, dhadhan buuxana ka qaato macnaha hadallada Illaahay.
Machadka faafinta islaamka ayaa kamid ah xarumaha waaweyn eek u yaalla magaalada Hargeysa kuwaas oo qorshahooda iyo hawlahoodu ku sallaysan yihiin ka wacyi gelinta bulshada waxyaabaha ay diinta islaamku innoo diidday, iyo waxyaabaha ay innoo hor seeday in aynu ku dhaqanno.
Kulan diimeedkan shalay waxaa uu daba socday mid dhiggiisa ah oo dhawaan ay masuuliyiinta machadku ku qabteen magaalada Wajaalle ee gobolka Gabiley. .