DAAWO SAWIRRADA: Madal Xalay Ay Gudida Fulinta Ee Qalinka Daa’uud Ku Wareejiyeen Xilkii Golahooda, Ku Deeqay Lacag Ay Ugu Talo-galeen Dhismaha WADADA CAD

0
29

Hargaysa (Hubaal)- Golaha Aqoonyahanka ee Qalinka Daa’uud oo xalay kulan casho sharaf ah ku qabtay Star Hotel Ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ay halkaasi Deeq lacageed ku wareejiyeen Guddida Dhismaha Waddada Cad iyadoo sidoo kalena ay halkaasi xilalkii kuala kala wareegeen Guddidi hore ee Qalinka Daa’uud iyo Guddida Cusub ee Hogaanka u ahaanaysaa Golahaasi .
Waxaana Munaasibadan Casho Sharafta ah ka so qeyb galay Guddidi hore ee Golaha Aqoonyahanka iyo Guddida Cusub ee Xilka la wareegaysay , Gudoomiyaha Guddida DHismaha Wadda Cad Cali Ibraahim (Cali Sanyare), Gudoomiye ku Xigeenka Sheekh Maxamed Cali Geeddi , Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi Maxmed Dhagaweel , Masuuliyiin ka socotay Ururka Hayaan ,Qurboojoog iyo Marti sharaf kale .
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in Golaha Aqoonyahanku Deeq Lacageed ku wareejiyo Guddida Dhismaha Waddada Cad iyo in ay xilka la kala wareegaan Guddidii hore ee maamulaysay Golaha iyo Guddida Cusub .
Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadlay Aqoonyahan Maxamed Khadar Daahir waxaanu faahfaahin ka bixiyay Deeqdan lacageed ee ay ku wareejinayaan Guddida isagoo sheegay in Deeqdan ay ka soo uruuriyeen 54 Qof isla markaana qorshahdoou ahaa in ay lacagtan ka soo uruuriyaan 700 qof balse aanay halkaa kaga hadhayn oo ay ka qeyb qaadanayan Dhismaha waddada cad .
Waxaanu aqoonyahanku sheegay in deeqdan lacageed ee ay wareejinayaan ay dhantahay 7000 $ , kun Dollar (Todoba Kun Oo Dollar) .
Intaasi ka dib waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Cali Ibraaahim Maxamed (Cali Sanyare) waxaanu u mahad naqay Golaha Aqoonyahanka isagoo ku amaanay sida ay xilka isaga saareen waajibkaa saarnaa . Waxaanu ugu danbeen ku dardaaray in ay dadaalka halka ka soo wadaan oo ay kaalintooda ka soo dhalaalaaan .
Murashax Maxamed Khadar Daahir ayaana si rasmi ah Deeqdan Lacageed ku wareejiyay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Cali Ibraahim maxamed (Cali Sanyare).
Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Aqoomyahan , Qurboojoog , Masuuliyiin waxaanay dhamaantood u mahadnaqeen Golaha Aqoonyahanka ee Qalinka Daaa’uud iyagoo cod dheerna ku sheegay in loo baahanyahay in horumarka Deegaanka Gacamaha la isku qabsado oo baahiyaha jiraa la darso waxna laga qabto.
Geesta kale waxaa halkaasi xilalkii kula kala wareegay Guddidi Hore ee ee Golaha oo muddo Lix Bilood ah xilka hayay Iyo Guddida Cusub. Waxaanay Guddidi hore soo bandhigtay waxqabadkeedi u hirgalay intii ay xilka hayeen iyagoo Guddida cusbna ku dardaaray in ay hawlaha golaha halkaa ka sii wadaan .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay prof Cabdi Axmed Digaale oo ku hadlayay Afka Guddida Cusub waxaanu u mahad naqay Guddidi fulinta ee Hore isagoo ku amaanay in ay waxqabad sameeyeen inti ay xilka hayeen waxaanu halkaasi ka ballan qaaday in ay horumarkii iyo hadafkii Golaha ay halkaa ka sii wadayaan. Munaasibaddan ayaa ku soo gabogabowday jawwi Degen oo farxadi ku dheehantahay .

qalinka daauud.jpga

qalinka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here