DAAWO SAWIRRADA: Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisii Oo Ka Degay Madaarka Dublin kana Hadlay Martiqaadka Ay Ireland Ku Tageen
Hargeysa(Hubaal)- Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay cidda bixisay martiqaadka socdaalka weftiga Madaxweynuhu ku tagay dalka Ireland.
Madaxweyne Siilaanyo oo todobaadkii hore ka ambabaxayay magaalada Hargeysa isagoo u sii jeeda dalka Imaaraadka oo uu u sii dhaafayay Ireland. Madaxweynaha oo madaarka kula hadlay saxaafaddu wuxuu bulshada u sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho martiqaad dawladda Ireland u fidisay weftigiisa, balse wasiirka khaarajiga ayaa sheegaya inay dawladda Ireland ka codsadeen safarka kadibna ay ka aqbashay.
Madaxweyne Siilaanyo markii uu madaarka Hargeysa ka sii ambabaxayay oo uu sida caadiga ah shacbiga u sheego socdaalkiisa waxa uu ku yidhi sidan “ Waxaanu maanta u ambabaxaynaa waqooyiga Ireland, halkaas oo aanu ku tagayno macsuumad aanu ka helnay dawladda Ireland,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo weftiga madaxweynaha Dubai ka sii raacay shalay ayaa markii weftigu gaadhay dalka Ireland wuxuu saxaafadda u sheegay in wasaaradda khaarajigu ka soo shaqaysay socdaalka madaxweynaha islamarkaana Somaliland codsatay socdaalka.
“ Martiqaadkani wuxuu ka dambeeyay codsi aanu dawladda Ireland ka codsanay inaanu la kulano oo ay naga aqbaleen. Madaxweynuhu wuxuu qolyahaas kala kulmayaa inuu kala hadlo arrimaha Somaliland iyo inaanu sii xoojinno cilaaqaadka labada wadan oo taariikhi ah oo aanu isku soo dhawayno, waxaanu filaynaa inaanu wada hadalka rajo fiican kala kulanno,” ayuu yidhi wasiirka khaarajigu.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo dhawaan Hargeysa kaga jawaabayay warar ku saabsan inuu weftiga madaxweynaha uga hadhay cadho iyo olole siyaasadeed oo kulmiye ka dhex socda ayaa sheegay inuu isagu ka soo shaqeeyay socdaalka Madaxweynaha islamarkaana dawladda Ireland uu ku soo qanciyay dawladda Ireland, balse hadalka Madaxweynuhu ku sheegay in Ireland laga casuumay ayaa ka duwan kan wasiirkiisa khaarajiga ee ah in Somaliland codsatay bookhashada Madaxweynaha.