DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Lagu Kordhiyey Dekedda Berbera

0
30

Berbera (Hubaal)- Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa Madaxweyne Siilaanyo faafahin kasiiyay dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Dekedda Magaalada Berbera, taas oo shalay madaxweynuhu xadhiga ka jaray.
Cali Xoorxoor ayaa sheegay in Dhismahani uu socday muddo shan bilood ah “Qeybtan labaad ee barxada Tog-Wajaale waxeynu bilowney afar bilood shan bilood ka hor, eeriyada ay ku fadhidaana waa 22 kun oo mitir square waa inta cusub ee inaga horeysa,waxey qaadeysaa 1500 oo kontiinar markaan sadex isku saarnana waxey qaadeysaa ilaa 2000 oo kontiinar, mudane Madaxwene kusoo dhawoow inaad noo furto,waxaanay qeyb ka tahay Mashaariicda Hurumarineed ee aad noo dhagax dhigtey ee Waxqabadkaagii kamidka ah”Ayuu yidhi Eng Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor-xoor) Waxaanu isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u mahad celiyay Maareeyaha Dekedda Berbera iyo shaqaalaha ka howlgala. Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanadda Xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo isna halkaasi kahadlay ayaa soo dhaweeyey Dhismaha Balaadhinta Dekeda Berbera isagoo hoosta Ka xariiqey inay jiraan dad aanay farax galinayn waxqabadka Dekeda Iyo balaadhinteeda waxanu yidhi “Inkastoo loo baaqoo loo sheego barwaaqo Dad bay meeli bugtaa waxaan aad u hambalyeynayaa maareeyaha dekeda iyo Hawlwadeenadiisa Dekeda Berbera waxqabadka ay muujiyen ee la arkayo”. Wasiir kuxigeenka Waasarada Warshadaha Somaliland Cali Dhagoole ayaa isaguna Ka markhaati kacay is bedel iyo dhismaha lagu kordhiyey dekeda berbera oo uu Sheegay in mudo ka hor ka shaqeyn jiray Dekedii hore oo tan hada lagu kordhiyey Ay isleegyihiin waxaanu yidhi “Waxaan shan iyo toban sano ka hor ka shaqeyn jiray Dekeda Berbera waxan qiraya in Dekedii aan ka shaqen jiray mid leeg la dhisay Waxaana hirgaliyey Madaxda Dekeda Berbera Oo Qiimo weyn ugu fadhiya qaranka”. Ugu dembeyn waxa halkaasi ka hadlay dhismahana xadhiga ka jaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo sheegay in Dekaddu dalka Somaliland qiima weyn ugu fadhido waxaanu Madaxweynuhu u mahad celiyay dedaalka ay wadaan Maamulka iyo hawlwadeenada Dekedda Berbera islamarkaana, uu uga mahad celianyo sida ay ugudanayaan waajibaadkooda shaqo Waxanu Yidhi “Ahmiyad weyn ayay u leedahay Dekeda Berbera gobolka dekeda berbera farxadweyn ayay ii tahay inaan furo mashruucan balaadhan” ayuu yidhi Madaxweyne Siilanyo.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Lagu  Kordhiyey Dekedda Berbera

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here