Marwada Qaranka Somaliland ayaa Dhagax dhigtay Xarun cusub oo lagu daryeeli doono Dadka Maskaxda ka buka, taasi oo laga hirgelinayo Xaafada Masalaha, dhismeheeda iyo kharashka ku baxayana ay kafaalaqaadeen haweenka gaaroodi oo iyaguna goobjoog ahaa.
waxa kale oo marwada ku wehelinaayey dhagaxdhigaasi wasiirka Caafimaadka iyo Maayar ku xigeenka Caasimada Mudane Cabdicasiis Caga-weyne ahna ku simaha Maayarka ah iyo Xildhibaano tiro badan oo kale.