DAAWO SAWIRRADA: Mu’allif Weedhsame iyo Murti-dhaadhi Cabdi Good Oo Madal Caalami Ah Lagu Abaal Mariyey Iyo Qiimaha Abaal-marin Lagu Guddoonsiiyey Xeel-dheeranimada Afka Hooyo
London (Hubaal)-Ururka HAYA oo ka jira dalkaasi UK oo sanad walba Abaalmarino gudoonisiya shaqsiyaadka uu u garto ee ku hadasha Afka Somaliga. Xaflada sannadkaan ayuu ururkan HAYA waxuu abaal-marin kala duwan gudoonsiiyay Ganacsato, Aqoonyahano, Fanaaniin, Abwaano, Ciyartooy iyo dad kala duwan oo Sumcad iyo Maamuus ku dhex leh bulshada Soomaalida. Dadka abaal-marinta la gudoonsiiyay waxaa kamid ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “CABDI GOOD” oo Barnaamijka Isir-Raaca Afka Soomaaliga kasoo jeediya TV-ga Somali Channel .