Somaliland Oo Si Meeqaam Hoose Ah Looga Xusay Maalinta Xornimada Ee 26-Ka June
Hargeysa(Hubaal) waxa maanta qasriga madaxtooyada Somaliland lagu qabtay munaasibad ay ku keliyeysatey Madaxtooyada Somaliland oo lagu xusaayey maalintii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriis oo ku beegnayd 26 June 1960 kii,taas oo ay kasoo wareegtay muddo dhan 55 sannadood. xafladan ayaa ahayd mid uu kasoo qayb galay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Guddoomiyaha maxkamada Sare,Odayaal ,Wasiiro ,Taliyeyaasha ciidamada kala duwan iyo xubno kamid ah shaqaalaha madaxtooyada Somaliland.
Waxaana halkaasi salaam sharaf kaga qaatay ciidamada Ilaalada Madaxtooyada madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo xubno kale,isaga oo saaray calanka Somaliland halkaasi ,kaas oo aan ahayn kii la saaray munaasibadii 26 June 1960.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa munaasibadaasi ka jeediyey hadalo kooban ,taas oo uu kaga hadlaayey qiimaha ay lee dahay maalintani oo ah maalintii ay shacabka Somaliland xoriyadooda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska ,ayna kasoo wareegtay mudadaasi 55 sanno.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka reer Somaliland khalad galeen laakiin ay kasoo laabteen ,maantana ay xoriyadoodii iyo dadnimadoodii haystaan ,caalamkuna la macaamilo,isaga oo intaas ku daray inuu rajaynaayo in Ictiraaf buuxa la heli doono ,loona dedaali doono,waxaanu ugu dambayn madaxweynuhu hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo Ciidamada Qaranka meel kasta oo ay joogaan.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi Waraabe oo sheegay inay maalintani tahay main weyn oo la xusuusan doono,ayna tahay maalin Qarankan Somaliland ku weyn.
Munaasibadan ayaa ahayd mid aanay gebi ahaanba kasoo qayb gelin xisbiyada mucaaridka ahi,ururada Bulshada eek ala duwan iyo bulshada qaybeheeda kala duwani,iyada oo ay ahayd in xalay laba iyo toban kii la saaro calanka lana xuso munaasibadan.
Arrintan ayaa ah mid muujinaysa sida ay xukumada madaxweyne Siilaanyo ay uga hurudo maalmaha qarankan ku suntan ee ay kamidka tahay maalintani.