DAAWO SAWIRRADA: Musharrax Taageerayaashiisa Wata Oo Xalay Ku Dhawaaqay Inuu U Sharraxan Yahay Xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

0
28

 

Munaasibad Soo Dhawayn Ah Oo Xalay Lagaga Dhawaaqay Musharraxnimada Siyaasi Ibraahin Daahir Dubbad

Hargeysa(Hubaal):-Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si rasmiya u shaaciyey inuu u tartamayo jagada gudoomiyaha xisbigaasi. Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad oo haatan ah xoghayaha sayniska iyo technology-yada ee xisbigaasi ayaa sheegay inuu haatan u taagan yahay jagada gudoomiyaha xisbiga Waddani marka la gaadho shirka golaha dhexe ee lagu dooranayo gudoomiyaha xisbiga. Munaasibad lagu taageerayey musharaxnimada siyaasi Ibraahin Daahir Dubad oo xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, siyaasiyiin, aqoonyahan, Cuqaal, Waxgarad,haween iyo marti sharaf kale. Siyaasi Ibraahin Daahir Dubad oo ka hadlay munaasibadan ayaa si rasmiya u sheegay inuu u sharaxan yahay gudoomiye-nimada xisbiga Waddani “Caawa oo bishu tahay 05/10/2016 waxaan bulshada somaliland la wadaagayaa hankayga iyo damaca aan ka qabo hogaanka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, go,aankan waxaan gaadhay ka dib markii aan la tashaday salaadiinta,cuqaasha, ganacsatada iyo saaxiibadayda siyaasada taas oo aan doonayo inaan hogaamiyo xisbiga Waddani, haddii aan ku guulaysto hogaanka xisbiga waxaan dareensanahay inaan aqoon badan, xirfado badan iyo waaya aragnimo badan ku soo kordhin doono xisbiga Waddani, kuwaas oo aan ka  soo bartay wadamadii aan mudada ka shaqaynayey, waxaanan dhalinyarada u bogaadinaynaa inay wadanka u soo jeedsadaan oo ay ka qayb galaan hogaaminta wadanka, waxaanan aaminsanahay hadii dhalinyaradu hogaanka wadanka qabtaa inaynu soo dhacsan karno ictiraafkeena.”

Milgo Maxamed Cilmi oo ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ka hadashay munaasibadan ayaa iyaduna si adag u beenisay inaanay jirin cid gaar ah loo gartay gudoomiyaha xisbiga Waddani, waxaanay sheegtay in kursiga hogaanka xisbiga Waddani la siiyey beelaha gobolada Hawd Iyo Hargeysa.

Gudoomiyahah Garabka haweenka xisbiga Waddani ee gobolka Maroodi Jeex Hinda Xasan Idiris oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa si balaadhan u soo dhawaysay hanka uu aqoonyahan Ibraahin Daahir Dubad ku doonayo inuu noqdo hogaanka xisbiga Waddani.

img_0908-vert
Xoghayaha difaaca ee xisbiga Waddani Khadar Cismaan Cilmi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada Ibraahin Daahir Dubad waxaanu yidhi “Anaga oo ka duulayna wada tashiga iyo wax wada qabsiga, qaybaha kale ee bulshadana la tashi badan la samaynay, waxaanu aad u soo dhawaynaynaa musharaxnimada Ibraahin Daahir Dubad oo loo arko nin maanta wax  weyn ku soo kordhin kara xisbiga Waddani, xisbiguna waa dimuqraadi oo dhexdiisa waa laga tartamayaa waxaanan rajaynaynaa inay iska soo dhamaan doonto ololaha loogu jiro kuraasta qaarkood, waxaynu iftiiminaynaa sida aynu diyaarka ugu nahay taageerada aynu la garan istaagayno Ibraahin Daahir Dubad oo aynu ku han weynahay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga Waddani.

Xoghaye ku xigeenka hanti dhawraha xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Jaamac oo ka hadlay munaasibada ayaa waxa uu yidhi “Waan uga mahad naqayaa dhalinyarada inay maanta garteen inay tahay maalintii codkooda la maqli lahaa, waxaanan shaacinaynaa in Ibraahin Daahir Dubad uu u sharaxan yahay gudoomiyaha xisbiga Waddani cirro ka dib, waxaynu doonaynaa inaynu dhalinyarada u jeexno dariiq cusub oo ay ku hiigsadaan hogaanka dalka.”

Mujaahid  Cali Cabdi Cilmi (Cali Curi) oo ka hadlay munaasibadan ayaa fariin u diray gudoomiye cirro waxaanu yidhi “Hadii uu rajo ka qabo gudoomiye Cirro inuu wadanka madaxweyne ka noqdo, waxaanu leenahay waa inaad gudoomiyaha xisbiga banaanka dhigtaa oo aad ku wareejisaa aqoonyahankaas aanu taageersanahay ee Ibraahin Daahir Dubad.”

Aqoonyahan Mubaarig Muuse oo ka hadlay munaasibadan ayaa isaguna dhinaciisa waxa uu xisbiga Waddani ugu baaqay inay dhexdiisa ka dhacdo doorasho si cadaalad ah loogu tartamo waxaanu yidhi “xisbi xaakimka Kulmiye waxa jirtay in shirkiisa cid gaar ah loo xidhay, xisbiga Waddani waxaan leeyahay waa inay dhexdiisa ka dhacdaa doorasho xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.”

Caaqil Khadar Ismaaciil Bacood  oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Dalku waxa uu  u baahan yahay in dhiig cusub lagu shubo, waxaana inoo haboon inaynu meel walba gayno dad dhalinyaro ah, anaguna waxaanu taageersanahay aqoonyahanka dhalinyarada ah ee Ibraahin Daahir Dubad, waxaanan  leeyahay dadweynaha somaliland maadaama oo Daahir Dubad Colow naftiisa ku furtay qaranimada somaliland waa inaynu inaguna maanta codkeena siinaa musharax Ibraahin Daahir Dubad.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay haween iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey musharaxnimada gudoomiyaha xisbiga Waddani ee siyaasi Ibraahin Daahir Dubad.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here