Hargeysa (Hubaaal)- Munaasibad Ballaadhan oo lagu xusayey mujaahid Ibraahim Maygaag samatar oo kamid ahaa Mujaaahidiintii waaweynayd ee kasoo qaybqaadatay Halgankii SNM, ayaa lagu qabtay Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa. Munaasibaddan oo ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay, ayaa waxa kasoo qaybgalay, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, aqoonyahan, dhallinyaro,Haween iyo marti-sharaf kale oo aad tiro badan, waxana halkaas lagu lafo guray taariikhdiisii iyo waxyaabihii ma hadhooyinka ahaa ee uu noloshiisii soo maray. Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar oo geeriyooday sanaddii 2011-kii, laguna aasay Magaalada Hargeysa, isla-markaana ahaa Halgaamaa qayb libaax kasoo qaatay Halgankii SNM, sidoo kalena siyaasi ku xeel dheer waqddaniyadda ahaa, ayaa aasaasayaashii ururka SNM ahaa, hoggaankiisa soo qabtay. Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo kamid ah Saraakiisha sare ee Xisbiga Waddani oo halkaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii Mujaahid Ibraahim Maygaag samatar, waxana uu tilmaamay inuu ahaa halgamaa aan la hilmaami Karin, isla-markaana mudan in xaflado xusuus ah oo sidan oo kale ah loo qabto. Mujaahid Boobe waxa uu carrabaabay qoriga ka sokow qoraal waxtar noqday oo uu ugu hawlgalay sidii qaran-nimada somaliland heersare u gaadhi lahayd oo beesha caalamka kula hadlay. Waxa uu soo qaatay qoraallo taariikhda galay oo uu wargeysyo caan ahaa oo dunida laga akhriyo ku qoray, kuwaas oo uu ku iftiiminayey xuquuqda somaliland u lahayd inay gaarkeeda isku taagto, isla-markaana halgankii ay shacabkeedu soo galeen ahaa mid xaq u lahaayeen. “ibraahim waxa uu ka hadlay somaliland iyo sida logu aanayn karo waayo aragnimadii ay ka dhalatay halgankii snm ee lagaga soo horjeeday dectarokii siyaad barre, sidii ay snm u maaraysay arrimihii lasoo gudboonaaday iyo sidii ay hantaaqooyinnkii soo maray u weydeeyeen waayo aragnimadaasi ayaa ah midhihii laga goostay halgankaas. Waana waxa somaliland ay kaga duwan tahay Somalia” ayuu yidhi ujaahid Boobe Yuusuf. Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa tilmaamay inuu ahaa qof adkaysi iyo hibo dheeri ah eebe siiyey, waxana uu yidhi, “duco ayuu caawa inooga baahan yahay oo aynu ku caawin karnaa, Ibraahim waxa uu ahaa mudankii Halganka dalkalagu xoreeyey soo hoggaamiyey, aqoonta iy caqligana soo geliyey, waxa uu ahaa suugaan yahan, qoraa ah,haddana aad mooddo inuu Miyi ku koray oo harraadka iyo waxkasta u adkaysta. Hawlgallo badan ayuu jiidaha hore joogay, warqad uu qoray, ayaa xamar aad u gilgishay, waxana aan isleeyahay inta la akhriyey warqad kale oo Somalia taalllay oo loo akhriyey inaanay jirin.” Eng. Faysali Cali Waraabe oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda Marxuum ibraahim Maygaag, waxana uu yidhi, “Ibraahim waxa uu ahaa raggii kacaankii siyaad barre dhidibada u aasay, markuu qawadayna raggii burburiyey buu ahaa, mana uu ahayn nin is yidhi ka faa’iidyasee markii uu qaladka arkay ayyuu ka goostay, waxana uu kamid ahaan jirey raggii siyaad barre Khudbadaha u qori jirey, maa,lintii uu iscasilayeyna waxa uu jeediyey khudbad dardaaran ahayd oo qiim badnayd, markii la kala jabay waxa uu noqday SNM dhab ah, dagaalkii sokeeyena dhexdhexaad buu ahaa markii cigaal loo dhibayna muu xanaaqine wuu taageeray, waxana uu ahaa ABTI WANAAGSAN SEEDDI WANAAGSAN IYO AAbe wanaagsa.” Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inuu ahaa Halgamaa taariikhda ku suntan oo baal dahab ah ka galay dedaal iy karti uu muujiyey. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) oo isaguna kalmad ka yidhi taariikhdii marxuumka, ayaa isaguna sheegay inuu ahaa halgamaa wali taariikhdiisu nooshahay oo aan la ilaawi Karin. Marxuum Ibraahim Maygaag Samatar, ayaa taariikh dheer oo lama ilaawaan ah ku lahaa Somaliland, waxana sanad walba xusas kala duwan loogu qabtaa Gudaha Somaliland iyo Dibaddaba.