Urur Maxalli Ah Oo Shalay Hargeys a Ka Fuliyey Olole Lagu Dawaynayo Mayeedhaanka Bulshadu Manaafacaadsato Oo Ee Daryeelka U Baahan+Guddoomiyaha Ururkan Oo HUBAAL Media U Warramay
Hargaysa(Hubaal)- Ururka Daryeelka Xayawaanka ayaa shalay qaaday olole Ballaadhan oo lagu Daryeelayo Xayawaanka lagu shaqeysto Gaar ahaan Dameeraha. Ololahan oo socon doona muddo 3 Cisho ah ayaa waxaa Dameerahan loo qabanayay Adeegyo kala duwan oo ay ka mid ahayd in Laga jaro Ciddiyaha iyo in la siiyo Fitamiinno iyo Dawooyin lagu dhayayo Nabarrada iyo dhaawacyada soo gaadhay Dameeraha. Guddoomiyaha Ururka daryeelka xayawaanka ee ka jira Magaalada Hargeysa Guddoomiye Cali Xasan Cawaale [Cali-dheere] ayaa Wargeyska HUBAAL Uga Warramay natiijada uga soo baxday ololahan ay shalay qaadeen iyo inta dameer ee ay illaa haatan daweeyeen ama adeegyada kale u qabteen, waxaanu yidhi “Maanta Waxaanu dawaynay illaa 15 dameer oo meelo kala duwan oo Magaalada ah aanu ugu tagnay, kuwaas oo isugu jira qaar ay ciddiyuhu ku baxeen oo aanu kelbado kaga jarnay ciddiyaha, waxa kale oo jira qaar iyaguna garbo belay oo nabarro ku yeeshay dusha sare ee la saaro buudhiga ay ku jiidaan rarka la saaro, kuwaasna toddoba ilaa sideed ayaanu dawaynay, waxa kale oo iyaguna jiray oo aanu irbado dawooyin ah ku mudnay Laba Dameer oo buka balse immika aan la raran oo la tuuray. Feytamiinno ah kuwa naaxinta ayaanu iyagana siinay” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cali Dheere, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu umadda Reer Somaliland u soo jeedinaynaa gaar ahaanna dadka ku shaqaysta dameeraha in ay iska xil saaraan daryeelkooda waayo dameerku wuxuu ku jiraa daryeelka Caruurtiisa iyo xaaskiisa, markaa waxaanu leenahay waar ninka ku shaqeysanaya Dameerkow waa naftaadi markuu xanuunsado daryeel oo gee meelaha lagu daweeyo oo nala soo xidhiidh waanu kuu dawaynaynaa, hana ka baqan oo ceeb ha u arkin daryeelkiisa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Guddoomiyaha ururka daryeelka dameeraha iyo xayawaanka kale ee Mayeedhaanka ahi Mr. Cali Xasan Cawaale (Cali-dheere)