Hargaysa(Hubaal):- Shirkada Dhismaha Ee Al Najax Constriction Company Ayaa Waxaa Ay Maanta Madaarka Maagalada Hargaysa Ku Soo Dhaweysay Shaqaale Cusub Ee Ka Yimid Wadanka Bangaaladheesh.
Shaqaalahan Ayaa Waxaa Tiradoodu DHameyd Todoba Qof Waxaana Ay Shaqadoodu Noqon Doonta Dhinca Dhismayaasha Ay Shirkadani U Qabto Macaamiisheeda Waxaana Ay Sheegen Masuulyiinta Shirkada Al Najax Constriction In Shaqaalahan Ay Yahiin Shaqaale Aqoon Fiican U Leh Dhinca Dhismayaasha Isla Markaana Ay Xirfadoodaas Uga Faa,Ideyn Doonan Dalka ,Dadka ,Iyo Dhamaan Dhismayaasha Ay Ka Wadaan Somaliland
Ugu Horeyna Waxaa Madashaasi Ka Hadaly Maamulaha Shirkada Al Najax Constriction Company Waxaana U Yidhi “ Waxaanu Ugu Bushaareyneynaa
Umada Rer Somaliland Iyo Guud Ahaanba Umada Somaliyeed Meel Kasta Oo Ay Joogan In Anaga OO Ah Shirkada Dhisamaha Ee Al Najax Constriction Aanu U Keenay Shaqaale Cusub Oo Ka Kooban Todoba Xubnood Kuwaas Oo Fulin Doono Dhamaan Adeegyada Dhismaha Ee AY Shaqaaluhu Qabtaan .
Waxaanan Odhan Karaa Taas Waxaa Nagu Kaliftay Markii Aanu Ogaanay In Baahi Dheer Loo Qabo Shaqaale Xirfad Iyo Aqoonba U Leh Dhismaha Waxaanan Mar Labaad Iyo Mar Saddexaad Ugu Burshaynayaa In Shaqaalahaas Cusub Ee Aanu Keenay Aqoontooda Iyo Xirfadooda Uga Faa,Ideyn Doono Dadkayga ,Dalkayga Iyo Dhamaan Dhismayaasha Aanu Ka Wadano Somaliland Ayuu Yidhi”
Sidoo Kale Waxaa Isna Dhiniciisa Ka Hadlay Eng Khadar Ciise Haybe Isla Markaana Ka Warbixiyey Shaqaalahan Waxaana Uu Yidhi “Maanta Oo Taariikhdu Tahay 02.04.2015 Waxaa Noo Yimid Shaqaale Ka Kooban Todoba Qof Kana Yimid Wadanka Pangaladheesh Shaqalaas Oo AY Shaqadoodu Noqon Doonto Dhisamaha Waana Markii Labaad Ee Ay Noo Yimaadaan Shaqaale Ajaanib Ah Ka Dib Markii Aanu Ogaanay In Baahi Badan Jirto Loona Baahan Yahay Shaqaale Cusub Oo Xirfad U Leh Dhismaha.
Runtii U Jeedka Ugu Weyni Waa Ina Shaqaalahan Aanu Ka Faa,Idi Doono . Shaqaleehanu Ay Ka Faa,Idan Xirfada Iyo Aqoonta Ay Leeyihiin Runtiina Inta Ay Shaqaleeheenu Si Wacan Uga Baranayaan Xirfadooda Wey Nala Joogi Doonan Waxaanan Bulshada Rer Somaliland Ugu Bushaareynayaa Gaar Ahaana Macaamishayadii In Aanu U Keenay Shaqaale Runtii Aad U Fiican Oo Tayo Fiican Leh” Ayuu Yidhi