“……Wakiilka shirkadda AL-Nuur U Qaabilsanaa Qaybinta Deeqdan Mr. Naasir Saleebaan Qaloombi (Naasir-Gargaar) Oo Maamulka Xarunta Agoomaha Ku Wareejiyey Dhar-ciideed Ay Ugu Talo-galeen Caruurtan Oo Wiilal Iyo Gabodhoba Isugu Jira…”
Hargeysa (Hubaal)- Shirkadda Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada ee AL-NUUR FURNITURE, ayaa maanta ku warejisay Maamulka Xarunta Agoomaha ee Hargeysa Dharka Ciidda oo shirkaddu ugu talo-gashay in ka badan 419 Carruur ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho Agoon ah oo Xaruntaas lagu xannaaneeyo.