Hargeysa(Hubaal)-Shirkada Ganacsiga Leydhka Casriga ah ee Gafane Power-Electric iyo Fuel-Sation ayaa, siweyn uga qeyb qaadatey Xuskii Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May, iyadoo goobtan ka baxsan saxmada Magaaladu bar kulan aheyd kumanaan kamid ah dadweynaha qiirada wadanimo ugu damaashaadayay ,Maalinta Qaranimada Somaliland,oo ay goobatani isugu yimaadeen iyadoo dhinaca kalena u aheyd goob nasasho.
Dhinaca kale Shi Leydhka Casriga ah u Keentay Caasimada Hargeysa ee Gaafane Power-Electric oo kamid ah Shirkada Leydhka Casriga ah kusoo kordhiyay Caasimada Hargeysa, oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga waramey doorka ay kaga qeyb qaateen Xuska Qaranimada Somaliland ee 18ka may ayaa, sheegay in ay dadweynaha isticmaala leynka Leydhkooda awooda badan lihi sida ay hadalkooda u dhigeen,usameeyeen nalal ka sameysan calanka Somaliland oo noocyo badan oo kala duwan leh taas, oo dadweynuhu aad usoo dhaweeyeen, waxaanay xuseen in talaabooyinka noocani ah yihiin mid ay kaga duwanaan doonaan guud ahaanba Shirkada kale ee Leydhka Munaasibadaha Qaranimada iyo kuwa Ciidaha islaamka intaba ay usioo bandhigi doonaan nalal muuqaalka xafladaha cajab galin doona kana qeyb qaadan doona bilicda kale ee Caasimada Hargeysa.
Waxa kale oo ay sheegeen in ay Caasimada Hargeysa goob kasta oo leydhkoodan casriga ahi gaadho ay ku dari doonaan Leydhadhka(Puplic-Light)ka ah ee loo yaqaan kuwa dhexdhexaadka ah oo casri ah islamarkaana, khashaafadaha waaweyn ee ilaalada iyo bilicda Magaalo ka badhka ah.
Leydhka Casriga ah ee Gaafane Power-Electric ayaa, indhawaale siweyn ugu baahay qeybo kamid ah Galbeedka Caasimada Hargeysa, isagoo hadana ku socda Qorshe loogu gudbinayo guud ahaanba Caasimada.