Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Sayniska Dr. Cabdixakiim Siciid Bustaale oo 5945 arday u Daahfuray Imtixaanki Shahaadiga ah
Bucro ( ) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdixakiin Siciid Bustaalle oo ay weheliyaan Madaxda heer gobol iyo degmo ee Togdheer ayaa saaka magaallada burco ka furay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8aad ee dugsiyada dhexe.
Wasiir Cabdixakiim Bustaale oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka togdheer, maayar ku xigeenka degmada burco, isu duwahq Wasaaradda Waxbarashada ee gobolka Togdheer iyo Taliyaha qaybta gobolka Ee gobolka ayaa imtixaanka ka furay magaalada burco.
Imtixaanka sannadkan waxa u fadhiistay 5945 po arday guud ahaan gobolka Togdheer , waxaana dugsiga hoose u fadhiisanaaya 3606 dugsiga sarena 2339.
Wasiir ku xigeenka iyo madaxda wasaaradda ayaa gelinkii dembe ee maanta u ambobaxay gobollada bariga dalka, iyaga oo beri haddii alla idmo kormeeri doona goobaha imtixaanku ka socdo ee magaallada Laascaanood ee gobolka Sool, iyaga oo intaa ka dibna u kici timi doono gobollada Sanaag iyo Xaysimo, kuwaas oo inta uu imtixaanku socdo guudmar u soo kormeeraya dugsiyada imtixaannaadku ka socdaan ee gobolladaas.