Hargeysa (Hubaal) Duqa caasimada Hargeysa iyo wefti uu hogaaminayay oo hawlo shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, weftiga uu hogaaminayay maayirka Hargeysa oo barqadii maanta soo cagadhigtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International ayaa waxa soo dhaweyn balaadhan kala hortagey maayir ku-xigeeenka Hargeysa, qaar kamid ah xildhibaanada golaha degaanka Hargeysa iyo dadweyne farabadan oo ku dhawaaqayay ereyo ay ku soo dhaweenayeen maayirka Caasimada iyo weftigiisa.
Maayirka magaaladda Hargeysa mudane Soltelco ayaa soo dhaweyntii kadib saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa,isagoo ka warbixiyay safarkii uu kusoo kala bixiyay qaar kamid ah dalalka Yurub gaar ahaan dalka Sweden isaga iyo weftiga “Waxaan Mar labaad Iyo Mar seddexaadba idiinka mahadnaqayaa sida fiican ee aad ii soo dhawayseen anoo ka maqnayin dalka howlo shaqo awgeed aniga iyo shan xildhibaan oo kale,Kolay Guulo Badani way nooga soo haydeen howlaha aanu halkaa u tagnay dibna tafaasiil faro badan waan idiinka sheegi doonaa heshiisna waanu soo galay waan markii kowaad ee geeska Afrika waddan ku yalaa uu dalalka yurub heshiis la soo galo, safarkayagu waxa uu ahaa u jeedkiisu laba qaybood oo kala ah in heshiisyo la soo wada galo iyo in xildhibaanadu toba bar soo qaataan iyadoo qaybta kale bixi doonto bisha aktoobar ee sanadkan”
Dhinaca kale maayir Soltelco ayaa ka hadlay hadalo ka soo yeedhay masuuliyiin kamid ah dawladda somalia “Qolyahan aanu walaalaha nahay ee somalila ee wadamada aanu heshiiska la soo galnay kadaba hadlaya waxaan leenahay adeer waan kala tagnee sheegsheegeen hadhsan”
Geesta kale maayir solteco ayaa ka hadlay arrimaha nabadgelyada gaar ahaan Caasimada Waxa uu yidhi “ waxaan ka hadlayaa qodabka nabadgelyada caasimada nabad galyadeeda cid khalkhal galin kartaa ma jirto ayaanu leenahay waayo golaha Guurtidu Xaq ayay u leeyihiin in ay iyagu ku dhawaqaan mudad ay xalka u arkaan rabshad laga samaynin karaan ma jirto ninka ku baqaan isaga ayaa ka masuula.