DAAWO SAWIRRADA: Tartan Kubaddeed Lagu Wacyi-gelinayo Da’yarta Oo  Hay’adda UNFPA 8 Kooxood U Qabatay

0
23

Hay’adda qaramada midoobay ee UNFP ayaa maanta caasimadda Hargeysa ku qabatay tartan kubadda cagta ah, kaas oo dhallinyarada da’yarta ah lagaga wacyi-gelinayo aafooyinka ku gedaaman.

Tartankan oo ay ka qeyb-galayaan 8-kooxood oo kooxaha da’yarta ah oo degmooyinka caasimadda Hargeysa ka kala socday ayaa lagu qabtay garoonka doogga mac-malka ah ee Power League, waxaana furitaankii tartankan ka soo qeyb-galayAgaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), Saraakiil ka socday hay’adda UNFPA iyo mulkiilaha garoonka Power League oo iyagu tartankan soo qaban-qaabiyey.

Tartankan oo sidoo kale ay gacan weyn ku lahayd wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa ujeeddadiisu tahay sidii dhallinyarada da’yarta ah lagaga wacyi-gelin lahaa aafooyinka cudurka HIV/AIDS-ka, Tahriibka iyo Maandooriyaha. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay kana war-bixiyey ujeedada ay tartankan u soo qaban-qaabiyeen mulkiilaha garoonka Power League Cabdi Ismaaciil, waxaana uu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in dhallinyarta da’yarta ah laga wacyi-geliyo aafooyinka cudurka HIV/AIDS-ka, Tahriibka iyo Maandooriyaha, isagoo sidoo kale hay’adda UNFPA uga mahad-naqay maal-gelinta tartankan.

Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal) ayaa isaguna uga mahad-celiyay hay’adda UNFPA iyo wasaaradda ciyaaraha tartankan, waxaana uu xusay in tartamada noocan ahi ay faa’ido weyn u leeyihiin dhallinyarta da’yarta ah.

Axmed Cabdi Jaamac oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda UNFPA ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaana uu si qoto dheer uga war-bixiyay tartankan iyo muhiimada uu u leeyahay in dhallinyaro noocan oo kale ah ay u qabtaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaa noo farxad ah ka hay’ad ahaan inaanu 8-kooxood oo dhallinyarada da’yarta ah aanu tartankan u qabano, kaas oo lagaga wacyi-gelinayo aafooyinka cudurka HIV/AIDSka, Tahriibka iyo Maandooriyaha oo maanta la ogyahay inay deris la noqdeen dhallinyarteena”.

“Tartankani noqon maayo kii ugu horeeyay ee aanu qabano ama qabanayno, waxaa noo qorshaysan kuwo kale oo dhallinyarta lagu wacyi-gelinayo sidoo kalena lagu dhiiri-gelinayo. Waxaan u mahad-naqaya wasaaradda ciyaaraha iyo mulkiilaha garoonkan, sidoo kale waxaan dhallinyarta ciyaartoyda ah aan leeyahay muhiimadu maaha inaad ciyaartaan uun laakiin ujeedadu waa inaad u dhago-nuglaataan wacyi-gelinta tartanka”.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay furayna tartankan Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana uu hay’adda UNFPA, mulkiilaha garoonka iyo haldoor Iid Jibriil ku bogaadiyey sidii ay qabsoomida tartankan uga hawl-galeen, waxaana sidoo kale dhallinyartii sideeda kooxood uu u sheegay inay ka fogaadaan dhibaatooyinka deriska la ah oo u baahan in si wada jir ah looga hor-tago, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa.

“Ugu horeyn waxaan jeclahay inaan u mahad-celiyo hay’adda UNFPA oo ka wasaarad ahaan aanu leenahay wada shaqayn balaadhan haday noqoto dhanka dhallinyarada iyo ciyaarahaba. Waa run maaha tartantankani kii ugu horeeyay ee ay qabato hay’addani, laakiin waxa ay ujeedadu tahay dhallinyarooy inaad fahamtaan oo aad ka faa’ideysataan wacyi-gelinta tartanka ee aafooyinka cudurka HIV/AIDSka, Tahriibka iyo Maandooriyaha”.

“Dhallinyarada da’yarta ahi maanta waxay u baahan tahay wacyi-gelin baddan taasna waxay tahay inay waalidiintu nagala hawl-galaan, waxaa jira dhallinyaro baddan oo kooxo kooxo isku laaya oo habeen oo dhan faashash isku eryanaya, taasna waxaa lagaga gudbi karaa dhallinyaradiinan oo garata, oo fahamta waxa dhibta keenaya iyo waxa wanaaga keenaya.Tartankani waa mid loo baahnaa oo aan runtii ku bogaadinayo cid kasta oo gacan ka gaysatay oo uu ugu horeeyay Iid Jibriil oo ah shakhsi ku suntan ciyaaraha dalkeena” ayuu hadalkiisi ku soo gunnaanaday Agaasime Dhabeeye.

Tartan oo laba group ah ayaa waxaa kulankii furitaanka ayaa waxaa wada ciyaaray labada kooxood ee ku kala ciyaarayay Xareed iyo Horyaal, waxaana ay guushu ku raacday 7-1 kooxda Xareed.

UNFPAaaa.japg
UNFPA.japg
U17-vert
U-640x360

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here