Hargeysa (Hubaal)- Wefti Uu Hoggaaminayo Maareeyaha Xafiiska Mucaawinooyinka Qaranka u qaabilsan Somaliland Md. Yuusuf Garas ayaa safar shalay ku tegey gobolka Gabiley.
Ujeedada Safarkan oo nuxurkiisu daarnaa kormeerka iyo indho indhaynta dalaga beeralayda Gobolka U soo go’ay waxaa guddoomiyaha ku wehelinayay Madaxa Xafiiska Hay’adda WFP ee Somaliland Mr. Achille Aka iyo xubno kale oo ka mid ah XAfiiska Mucaawinooyinka.