Weriyahan ayaa Ka Tirsanaan Jiray Idaacaddii Qaybta Ku Lahayd Isbedelkii KULMIYE Ee Radio Horyaal
“Waxaan leeyahay Md. Madaxweyne Waa Kugu Ceeb In Maalin Kasta Ay Dad Aan Nasteexaaga Ahayni Bartilmaameedsadaan Kuwii Isbedelkii Aad Madaxweynaha Ku Noqotay Kasoo Qayb-qaatay”- -Liibaan Maaweel Shire
Hargeysa (Hubaal)- Dablay aan la aqoonsan ayaa xalay cawayskii weerar ku qaaday weriye Maxamed Aadan Dirir oo ka hawl gala mid kamid ah telefishannada madaxa banaan ee Afka Somaliga ku hadla ee ka hawl gala Somaliland. Deblaydan oo la weriyey in ay ka koobnaayeen saddex nin oo midkood lagu xidhiidhiyey shaqaalaha ka hawl gala madaxtooyada Somaliland ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday weriyahan oo xilligaas ku sugnaa goob lagu soo bandhigayay buug cusub oo laga qoray halgamaagii Faarax Oomaar.
Weriye Maxamed Aadan Dirir oo ka hawl gala weriyeyaasha Telefishanka SOMALICABLE ka hawl gala ayaa dablaydan oo ku hubaysnaa biro shaag-baane ahi nabarro ka gaadhsiiyeen madaxa iyo dhabarka, nabarradaas oo qaarkood hoos u dalooshameen.
Weriye ka tirsan Wargeyska HUBAAL oo xalay cusbitaalka Hargeysa ku booqday weriyahan oo markaan lagu dawaynayay ayaa xaqiijiyey in uu arkay nabarro saddexan oo laba kamid ahi cadku dhammaaday oo madaxa ka gaadhay. Weriye Dirir ayaa hawl-galkan lagu dhaawacay ku xidhiidhiyey war uu dhawaan ka qoray wasiirka Madaxtooyada Somaliland, kaas oo badhtamihii toddobaadkii inna dhaafay mar ay warbaahintu su’aalo weydiisay uu isaguna weriye ahaan su’aalay shir uu la yeeshay weriyeyaal soocan iyo dhaqaalle afartan milyan ah oo uu haysto, su;aashaas oo wasiir xirsi ka gilgishay si kululna uga jawaabay isaga oo ku tilmaamay in cid gaar ah oo naxli waddaa ay su’aashan ka dambayso. Haddaba Weriye Dirir oo markii xalay Dheymaha loogu sameeyey Cusbitaalka guud ee Hargeysa ka dib u xog-warramay HUBAAL ayaa yidhi “Waxaan joogay [xalay] Xaflad lagu soo bandhigayey buug laga qoray taariikhdii Xaaji Faarax Oomaar oo Guuleed hotel ka dhacday”. Sidaa ayuu yidhi wariye Maxamed Aadan Dirir oo HUBAAL wax ka weydiiyey waxa uu qabo, waxaana uu intaas ku daray “intaan xafladdu bilaabmin aniga oo banaanka hore ee hotelka taagan waxaa ii yimi Saddex nin oo mid ka mid ahi xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada joogo (Ka Shaqeeyo) iyo laba kale oo uu watay oo aanan anigu garanayn, dabadeed waxay I waydiiyeen warkii maalintii dhawayd ee aan wasiirka Madaxtooyada ku weydiiyay su’aalaha iyo qoraal kale oo aan ku qoray bartayda facebook-ga, waxan ayuun bay I yidhaahdeen jooji, aniguna waxaan ku idhi waxani wax raggu isugu yimaad maaha e’ macnihiin”.
Intaas Ka Dib Maxaa Dhacay?
Wariye Dirir waxa uu sheegay in markii ay hadaladaas is dhaafsadeen kadib uu ku war helay, isla markaana ay saddexda nini faro saareen “mid baa dhabarka igu dhuftay isaguna {Ninka Uu Garanayay} shaag baane uu hoosta ku haystay oo aanan marka hore arkayn ayuu madaxa igaga dhuftay saddex goor imikana waxa igu yaalla nabarro madaxa ay iga gaadhsiiyeen oo qaarkood cadku dalooshamay”.
Wariye Dirir wuu sii waday hadalkiisa iyo nabarrada gaadhay waxanu sheegay in markii weerarka lagu bilaabayba ay u soo gurmadeen dad goobta joogay “waxa markii dambe iga qabtay shaqaalaha hoteelka oo goobta ku sugnaa, ka dibna nimankii gaadhi ay wateen oo nooca loo yaqaan Varesoa (nooc ka mid ah baabuurta raaxada ee wakhtiyadan dambe la wato). Markii ay dhaqaaqeen ayaa lambar la iga soo garaacay oo iyagu igala soo hadleen, Waxaanay iigu hanjabeen in aanay waxba I gaadhsiin basle waanu ku toogan doonaa ayay I yidhaahdeen.” “warqadii rifeertada ahayd waan ka soo qaatay Saldhiga, waanan Report-gareeyay” sidaa ayuu dhibanahani u sheegay wariye ka tirsan wargeyska Hubaal xili uu ku sugnaa Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dhayayay nabarrada gaadhay.
Ehellada Wariyahani Maxay Ka Yidhaahdeen?
Qaar ka mid ah ehellada wariye Maxamed Aadan Dirir oo iyaguna ka hadlay falkan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in la bartilmaameedsado suxufiyiinta, iyadoo loo aanaynayo war ay qoreen.
Liibaan Maaweel Shirre oo sheegay inuu Adeer u yahay Dhibanahan ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay in ay dabageli doonaan dadka dhaawacan gaystay iyo cida soo dirtayba, isaga oo hoosta ka xariiqay in Maxamed Aadan Dirir uu ka tirsanaan jiray suxufiyiinta ka hawlgali jiray iddaacadii Radio Horyaal oo uu gobolada Bari uga soo warami jiray wakhtigii madaxweyne Siilaanyo uu ahaa musharaxa xisbiga Kulmiye “anagu kama hadhi doono falkan loo gaystay wariye Dirir,loona dulqaadan maayo in maalin kasta la bar tilmaameedsado dadkii ka soo qayb qaatay isbeddelkii hoggaamineed ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ku hantay tallada dalka ee uu hoggaankeeda hayo maanta. Anigu cidkale lama hadlayo, balse waxaan halkan farriin uga dirayaa oo aan doonayaa in qoladiinan saxaafaddu ay gaadhsiiyaan madaxweynaha JSL, oo aan leeyahay muddane Madaxweyne adiga waa kugu ceeb, annaga iyo ummadda reer Somalilandna waa ku ceeb in dad aan isbeddelkii aad madaxweynaha ku noqotay waxba ka ogayni ay ugaadhsadaan intii halganka kula soo martay, waxaan leeyahay inankan Caawa (Xalay) la dhaawacay waxa sababtiisa leh dad adiga kugu xeeran oo aan hubo inaanay nasteex kuu ahayn.” Sidaas ayuu yidhi Liibaan Maaweel Shirre, waxaana uu hay’addaha ammaanka ugu baaqay inay arrintan xil iska saaraan, oo sharciga ku qaadaan cidii gabood falkan gaysatay “waxaan leeyahay cidii wariyahan ku gabood fashay iyo cida raadkeedu galoba in shircigu u sinaado oo hay’addaha ammaanku ka hawlgalaan.
Gabogabo
Wariye Maxamed Aadan Dirir oo imika ka hawlgala telefiishenka afka Soomaaliga ku hadla ee Somali Cable loo yaqaan waxa uu dabayaaqadii sannadkii 2009-kii ilaa 2010 badhtimihiisii ka hawlgali jiray iddaacadii Radio Horyaal ee qaybta Libaax ka soo qaatay isbeddelkii madaxweyne Siilaanyo lagu doortay, isaga oo weriyuhu u qaabilsanaa [correspondent] gobolka Saraar oo uu magaalo madaxdiisa Caynabo uga soo warrami jiray. Idaacaddan ayaa ay ka shaqayn jireen weriyeyaal kala duwan oo badankoodu waqtigaas oo xukuumaddii UDUB mamnuuc ka dhigtay dhegeysigeeda iyagu ku dhiirraday in ay cadaystaan madax banaannida mihnaddooda ugu suntan qorriyatul qawlka iyo bedbaadinta qaranka, iyaga oo guudka saartay xilka bulshada ka saaran saxaafad ahaan, isla markaana kama ay nasan illaa intii uu bislaaday geedkii [isbedelkii] ay qaybta kulahaayeen abqaalka midhihiisa, hase ahaatee ayaan darro markii madaxweynuhu talada la wareegay ilaa shantii sanno ee xukuumadda KULMIYE xilka haysayba waxa abaalkoodu noqday in cid gaar ahi ay ku suntanaatay boqno goynta baalashii madaxweyne Siilaanyo iyaga oo xubno kooban oo ka mid ahaa idaacaddaasi food saaro uga dhigtay muujinta saamigii HORYAAL, kuwaas oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Madaxweynaha ee immika Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Guddoomiyaha Wargeyska afka dawladda kuhadla ee DAWAN Maxamed Cismaan Mire (Seyid).