DAAWO SAWIRRADA: Wefti Ay Hoggaaminayso Wasiir Samsam Oo Kormeertay Goobaha Ay Barakacayaasha Abaartu Ku Hayaameen Ee Gabiley iyo Awdal
Gabiley, January 12, 2017 () – Wefti balaadhan oo ay hogaaminaysay Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayeen Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Maayarka Degmada Gabiley, Gudoomiyaha Tog-Wajaale, Badhasaabada Awdal iyo Gabiley, Xubno ka mid ah Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Heer Qaran ayaa soo kormeeray Goobaha ay ku soo barakaceen dadka ka soo barakacay abaaraha Gobolada Bariga Somaliland ee wakhtigani ku sugan gobolada Awdal iyo Gabiley.
Weftiga Wasiirka Maaliyada oo markii ay gaadheen goobahaasi xogwaraysi la yeelatay dadka ka soo barkaacay Abaaraha Gobolada Bariga Somaliland ayay dadku u sheegeen in si fiican loogu soo dhaweeyey deegaamada ay ku soo barakaceen, isla markaana wax alaale iyo wixii Biyo iyo Baad ah ee ay ugu yimaadeen dhulkan ay ku soo barakeen in aan waxba laga hagran oo ay la wadaageen dadka.
Wefigan Wasiirka Maaliyada oo markii ay soo gaadheen Degmada Magaalo Cad oo ka tirsan gobolka Awdal ayaa waxa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanay tidhi “Qofka Bani’aadam ah ee wax idiin keenana horta Illaahay baa usoo dhiibay, Ilaahay wuxuu inoo keeno ayuunbaynu halkaa ku sugaynaa.
Waxa weeyi meel Somaliland ah oo xaalada Abaaraha ka fayow ma jirto, runtii abaartu meelwalba way gaadhay, waydinkaa ka sheekaynaya dadkii aydun ugu timaadeen siday idiin soo dhaweeyeen oo wixii ay haysteen aad ula wadaagteen, runtii abaarta waxa loo bixiyey ‘Walaaleeya’, waxay walaalaysay ummaddii reer Somaliland oo way isku damqadeen, iskuna naxariisteen, oo way isku damqadeen, Illaahayna sidaasu inoogu naxariisanayaa.
Imika anagu guddidii Taakulaynta Abaaraha ayaanu la soconaa, waxaanu u yeedhanay gudidii heer gobol ee Awdal iyo Gabiley oo aanu shir wadagalaynaa, Ceelal baa la qodayaa ay Kuwait iyo Somaliland ay iska kaashanayaan, markaa wixii illaahay inoo hawlyareeyo ee lagu badbaadin karo dadka waxaanu diyaar u nahay inaanu ku dhaqaaqno, haday tahay meelo Qarbadyo la dhigo, haday tahay Raashinka oo meelo loo dhigo, haday tahay ceelal degdeg ah oo la qodo, waxaynu isku dayeynaa insha alaahu inaga oo iskaashanayna inaynu gacmaha isqabsano” Ayay Tidhi Marwo Samsam CAbdi Aadan.
Waftigan ayaa sidoo kalena kormeer ku soo maray, Cusbitaalka guud ee magaalada Wajaale, dhismaha xarunta maaliyada ee magaalada Wajaale iyo Riigga degmada Ceel-balaadh iyo Ceel cusub oo laga qodayo Waddada Waalid-xoor.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gabiley Mustafe Shiina isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii waxa jirtay Wasiir in Gobol ahaan iyo guddidayaduba aananu ka qoob-qaadin oo aanu la shaqaynaynay wixii aanu u helo iyo wixii aanu soo gaadhsiin karnoba laakiin mar kastaba tamarta ay ka badan tahay oo dadkani ay ka badan yihiin waxa la helayo oo runtii ay yihiin dad ay maanta duruuftu bilaw u tahayba oo saddexdii bilood ee jiilaalka tahay sida ay sheegayaan.
Runtii xaaladd bani’aadam weeyaan, xukuumada JSL heegan ayay mar kasta ugu jirtaa, dadka meeshan joogana waxa lagu qiyaasay ilaa 4,000 qof balse guddidu ilaa gobolka Awdal marka la qiyaasay waxa ay noqonayaan ilaa 8,000 qof” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Shiine.