DAAWO SAWIRRADA: Weftiigii Xukuumadda oo Bulshada Magaalada Laascanood Meel Fagaare ah Kula Tukaday Salaadii Ciidda

0
13

 

Laascaanood (Hubaal)- Wafdiigii ka socday xukuumadda Somaliland ee ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa meel fagaare ah kula tukaday salaadii ciidul-fidriga bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Xubnaha weftigan oo kala ah la taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir, guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte), agaasimaha guud ee hay’adda qandaraasyada qaranka Maxamed Axmed Xasan Saadle (Jabarti Saadle), agaasimaha hab-maamuuska madaxtooyada Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, iyo agaasime Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Cilmi Jiidho, ayaa bulshada salaaddii ciidda kula tukaday meel fagaare ah iyaga oo aan wadan wax ilaalo ah, isla markaana bulshada qaybaheeda kala duwan kala qayb qaatay farxadda ciidda.

 

Weftigan ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo is daba joog ah la qaadanayay qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan, haweenka, dhalinyarada, kooxaha ciyaartoyga ee magaalada, waxgaradka iyo waayeelka magaalada Laascaanood.

 

Weftigu waxay bulshada reer Laascaanood iyo guud ahaan ba gobolka Sool ku dhiiri geliyeen sidii looga wada shaqayn lahaa nabadgelyada, midnimada bulshada gobolka iyo guud ahaan midnimada iyo wada jirka bulshada reer Somaliland, isla markaana ay dhalinyarada gobolka Sool ay mideeyaan cududooda iyo caqligooda, la isuna kaashado horumarka iyo wada-jirka dalka.

 

Kumanaan kun oo qof oo ka mid ah Dadweynaha magaalada Laascaanood ee ka qayb galay tukashada salaadii ciiddul-fidriga ee fagaaraha Geedo-qarsay ayaa si diirran u soo dhaweeyay xubnaha weftiga ee kala qayb qaatay dareenkooda farxadeed, tallaabadaasi oo ay bulshadu ku tilmaantay in  tahay farriin muujinaysa xasilooniyada iyo nabadgelyada buuxda ee ka jirta gobolka Sool, maadaama weftigii heer xukuumaddeed ay salaadii iida kula tukadeen fagaarahaas iyaga oo aan wadan wax ilaalo ah, isla markaana qof qof u salaamayay dadkii ka soo qayb galay munaasibadda.

 

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Faysal Jaamac Xirsi Maxamed (Xawte), ayaa ka hadlay soo dhawaynta ballaadhan ee ay kala kulmeen bulshada reer Laascaanood ee ay fagaaraha kula tukadeen iyo dareenkii farxadeed ee ay ku qaabishay bulshadii halkaasi ku tukanaysay.

 

Mudane Faysal Jaamac Xirsi Maxamed (Xawte), oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta oo ah maalin farxadeed, oo ah maalintii ciidul-fidriga. Dadkuna waxay soo Soomeen soddonkii bishii Ramadaan, Illaahayna ha inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii badnayd. Maanta waxaanu bulshada reer Laascaanood kula ciidnay barxadda weyn ee koonfurta magaalada Laascaanood ee Geedo-qarsay, waxaana ku tukaday kumanaan kun oo qof.”

 

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Faysal Jaamac Xirsi Maxamed (Xawte), waxa uu sheegay in ay bulshada reer Laascaanood ku wargeliyeen in ay mideeyaan caqligooda iyo cududooda, isla markaana laga wada shaqeeyo amaanka iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan dalka Somaliland, waxaanu yidhi “Garoonkaas weyn ee Geedo-qarsay ayaanu kula tukanay tobanaan kun oo qof, anaga oo ahayn weftigii xukuumadda ee ka yimi Hargeysa si aanu ula ciidno bulshada Laascaanood, uguna wacyigelino arrimaha ay ugu horreeyaan in laga wada shaqeeyo arrimaha amaanka, wada-jirka iyo horumarka gobolka iyo dalka, khaasatan dhalinyaradu in ay cududooda iyo caqligooda mideeyaan, halkaas ayaanu kala hadalnay oo aanu ku wacyi-gelinay in ay dadku isasa saamaxaan oo laga wada shaqeeyo nabadda, midnimada iyo horumarka.

 

Guddoomiye Faysal Xawte waxa uu sheegay in ammaanka gobolka Sool uu aad u wanaagsan yahay isla markaana marayo meel aad u fiican oo lagu farxo, waxaanu yidhi “Magaalada ammaankeeduna aad buu u wanaagsan yahay, aad bay u kala degentahay. Waxyaabo aad u badan ayaa noo qabsoomay intii aanu joognay, bulshada qaybaheeda kala duwanna shirar iyo kulamo badan ayaanu la yeelanay, kuwaasi oo dhamaantood ku soo dhamaaday guul iyo is afgarasho.”

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here