DAAWO SAWIRRADA: Xulka Reer Latin America Oo Taariikha K-Aduunka Markii 1aad Gaadhay Wareega 8-da  Ee  Ciyaaraha Dunida

0
79

Costa Rica 1-1 Greece (Rig 5-4)

Xulka Costa Rica ayaa taariikhda markii ugu horeysay u gudbay wareega rubuc dhamaadka Koobka aduunka , kadib markii ay rigoodhayaal kaga adkaadeen Greece, Ciyaartii adkayd ee xallay la isku mari waayay barbar dhaca 1-1 ka ah.

Costa Rica oo ciyaarta intii badnayd ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan, casaana uu ka qaatay Oscar Duarte kaadhka casaanka ah loo dhiibay daqiiqadii 66 aad ee ciyaarta, laakiin dedaal badan oo ay sameeyeen, isaga caabiyey weeraradii sida daadka ahaa iyo awoodii qayrul caadiga ahayd ee xulka Greece xallay.

Labadan xul oo aan midkoodna taariikhda wali u soo bixin rubuc dhamaadka koobka aduunka ayaa ku dedaalayay inay midba midka kale ka hesho guusha, waxaana u suurto gashay Costa Rica inay ciyaarta hogaanka ugu qabato gool uu u dhaliyey Bryan Ruiz daqiiqadii 52 aad ,  laakiin Greece ayaa daqiiqadihii ciyaarta lagu daray ay u suurto gashay inay la yimaadaan goolka barbardhaca , kaas oo uu u saxeexay Sokratis Papastathopoulos, ciyaartiina qasab ka dhigay in lagu darro 30 daqiiqo oo dheeraad ah.

Greece oo ciyaarta qaybtii dambe iyo labadii qaybood ee lagu darayba awood badnaa ayaanay u suurto gallin inay dhaafaan 10 ka ciyaaryahan ee reer Costa Rica , ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1-1 , waxaana loo qabtay rigoodhayaal.

Kubadii uu badbaadiyey Goolwade Navas ee uu soo laagay Theofanis Gekas iyagoo 5 tii kubadoodba dhashaday Costa Rica ayaa u horseeday inay sidaas ugu gudbaan wareega 8 ee koobka aduunka.

article-2674285-1F40728900000578-328_634x435-500x343-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here