DAAWO SAWIRRADA+AKHRI: Ardayda Dugsiga Sare Ee Suld. Maxamed Suld. Faarax Oo Guddi Horumarinneed Iska Dhex Doortay

0
270
????????????????????????????????????

 

Waxaa ay Hannaan Dimuquraadi Ah U Doorteen Saddex Xubnood Oo Guddida Hoggaamin Doonta

Hargeysa (Hubaal) – Ardaydda Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee magaaladda Hargaysa ayaa iska dhex doortay Gudi hogaamineed oo ay yeelan doonaan ardaydda dugsigaasi dhigata, gudidaasi oo maamuli doonta hawlaha ardaydda iyo horumarrinta dugsigaasi.  Munaasibad si fiican loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta dugsigaasi oo ku taala koonfurta xaafadda masalaha ee magaaladda Hargaysa  waxa ka soo qayb-galay Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan, Agaasinka Waaxdda Tayadda ee Wasaaradda waxbarashadda Mudane Maxamed Suleymaan Cumar, tafa-tiraha Wargeyska HUBAAL Md.  Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keef-keef) iyo ardaydda dugsigaasi. Doorashaddan oo ahayd mid xiiso iyo xamaasadi ku dheehan tahay ayey murashaxiinta u soo istaagay jagooyinka hogaanka ardaydu ka soo jeediyeen wax-qabadka ay ka geysan doonaan haddii ay ku guuleystaan hogaaminta gudida ardayda dugsiga sare ee suldaan maxamed suldaan faarax. Dhanka kale, munaasibaddan oo ku soo beegantay 17/10/2017-ka maalinta xuska shuhadaddii SNM ee ku naf-waayey dib u xoreyntii qaranka jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay masuuliyiintii xafladaasi ka soo qayb-galay ku dheeraadeen maalintan iyo qiimaha ay ugu fadhido qaranka jamhuuriyadda Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in la weyneeyo maalintan oo kale. murashixiinta gudoomiyaha gudidda ardayda ayaa sida sharcigu dhigayo ka imanaya fasaladda afraad ee dugsigaasi, halka gudoomiye kuxigeenka kowaadna ka imanayo ardaydda fasaladda seddexaad, sidoo kale gudoomiye kuxigeenka labaad ayaa isaguna laga soo doortay fasaladda labaad ee dugsigaasi. xog-hayaha guud ee gudidan ayey isagana soo dooran doonaan shir gudoonka cusub ee gudidani, waxaanu ka iman doonaa fasaladda kowaad ee dugsigaasi. Ugu horeyn waxa munaasibadaasi ka warbixiyey Maamulaha dugsiga Suldaan maxamed Suldaan faarax Mudane C/raxmaan Keyse Ismaaciil, waxaanu faah’faahin ka bixiyey munaasibadan iyo ujeedada ka danbaysa ee ay u qabteen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; walaalayaal aad baad ugu mahadsantihiin in aad nagala soo qayb-gashaan munaasibaddan ay ardayda dugsigu iskaga dhex dooranayaan gudi maamul oo ay yeelan doonaan ardaydda dugsiga suldaan maxamed suldaan faarax. Waxa halkan fadhiya arday tiradoodu dhan tahay 41 kuwaasi oo ka kala socda fasaladda kala duwan ee uu dugsigu ka kooban yahay, waxaana ardaydan markii hore laga soo dhex doortay fasaladdii ay ka kala yimaadeen. Ardaydani waxay iska dhex dooran doonaan gudoomiyaha kowaad ee dugsiga, gudoomiye kuxigeenka kowaad ee gudida ardayda, gudoomiye kuxigeenka labaad ee dugsiga iyo xog-hayaha guud ee ay yeelan doonaan gudidani. Gudidani waxay ka  shaqa  yn-doonaan danaha horumarineed ee dugsigu yeelan doono. Sidoo kale waxan maanta halkan ku xusaynaa shuhadadii ku shahiiday halgankii dalkan loo soo maray, taasi oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 17/10/2017-ka. Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Suxufi Xasan Xuseen Cabdilaahi, waxaanu halkaasi ka soo jeediyey hadalo guubaabo iyo dardaaran iskugu jira kuwaasi oo ku wajahan ardayda dugsiga suldaan maxamed, isaga oo arrimahaasi iyo kuwa kaleba ka hadlaya waxa uu ku bilaabay;

“waxan ku faraxsanahay in aan maanta idinkala soo qayb-galo  munaasibadan aad iskaga dhex dooranaysaan hogaanka gudida idin hogaamin doona mustaqbalka. Doorashadani waxay tusaale u tahay bislaanshaha siyaasadeed ee dalkeena ka jira. Dhanka kale waxan idinkula dardaarmayaa in aad ku dedaashaan waxbarashadda taasi oo idin gaadhsiin doonta heer aad dalka mustaqbalka ka noqon doontaan madaxda hogaamin doonta dalka. Doorashadani maaha oo kaliya in aad iska dhex dooranaysaan ardaydii idin hogaamin lahayd laakiin waxay idiin noqon doontaa furaha xirfadda hogaamineed ee mustaqbalka. Agaasimaha Waaxdda Tayadda wasaaradda waxbarashadda mudane Maxamed Suleymaan Cumar ayaa isaguna munaasibadaasi ka soo jeediyey khudbad iskugu jirtey hogo-tusaaleyn iyo dardaaran, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waxan idinkula dardaarmayaa in aad dalka iyo dugsigiinaba ka qaadataan kaalin cudoon oo dhanka horumarka waddaniyadda, sababta oo ah waxa dhammaanteen ina wada saaran masuuliyadda uu illaahay aadamaha ka saaray adduunka iyo maamulkiisa. Waxan idinkula dardaarmayaa in hamigiinu meel fog gaadhsiisnaado, waayo qof walba inta hamigiisu gaadhsiisan yahay ayuun buu wax-

????????????????????????????????????

qabadkiisuna ku kooban yahay, sidaa awgeed waxan idiin soo jeedinayaa in aad xambaartaan hammi balaadhan oo ilaa xad dalka iyo dadkaba anfaca. Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu aad ugu dheeraaday sooyaalkii taariikheed ee dugsigani soo maray iyo sida loogu baahan yahay in halkaa laga sii wado, isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu ku bilaabay; dugsigu  waxa uu soo maray marxalladdo mid waliba waayihiisa lahaa kuwaasi oo lahaa duruufo adag oo soo wajahay intii ay ku jireen yagleelka dugsigan. Dugsigan waxqabadkiisa waxa ka soo qayb-galay dad kala duwan kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaano kala duwan oo geyiga Somaliland ah, waxan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland oo run ahaantii kaalin laxaad leh ka soo qaadatay. Maanta [maalinta guddida la doortay] waxay ku beegan tahay 17-ka Aktoobar (October) 1984-kii, waa maalintii geesiyaddii xaq u dirrirka ahaa ka guuleysteen ciidamaddii rajiimkii digtaatoorka ahaa ee dawladdii siyaad bare, waxaanay gaadhsiiyeen riiq aanay ka soo waaqsan, dhanka mujaahidiinta waxa maalintaa kaga shahiiday 34 mujaahid kuwaasi oo ahaa halldoorkii SNM. Shuhadadaasi waxay naftoodda u hibeeyeen sidii aan maanta inagu ugu noolaan lahayn nolol raaxo leh, sidaa darteed waxan idinkana idin farayaa in aad dalkiina u hurtaan naftiina iyo aqoontiina si aad dalka horumar la taaban karo u gaadhsiisaan. Ugu danbayntii waxay ergaddii ka soo qayb-gashay gudoomisey nidaamkii doorashadda ardaydu u qabsoomi lahayd, waxaana u soo istaagay doorashaddaasi seddex musharax oo u tartamayey gudoomiyaha ardaydda dugsiga suldaan maxamed kuwaasi kala ahaa; 1. Muxiyadiin Muumin Cabdi, 2. Maxamed C/raxmaan C/laahi, iyo 3. Hoodo Xasan Maxamed, waxana ugu danbayn jagadaasi ku guuleystey Muxiyadiin Muumin Cabdi, waxaanu halkaa ka soo jeediyey hadal mahadnaq ah oo uu u soo jeediyey intii dooratay iyo kuwii ka codeeyeyba. Sidoo kale waxa lagu tartamay gudoomiye kuxigeenka kowaad iyo ka labaad ee ay gudidaasi yeelan doonto waxaana ku kala guuleystay Isra Cumar Jiciir oo ku guuleysatay gudoomiye kuxigeenka kowaad Iyo Abwaan Jamaal ibraahim keyse,oo ku guuleystay gudoomiye kuxigeenka labaad ee gudida ardaydda dugsiga suldaan maxamed suldaan faarax. waxa xusid mudan wareegii hore ee doorashaddan ayaa waxa tartan xasaasi ahi dhex maray musharixiinta kala ah Hoodo Xasan Maxamed iyo Muxiyadiin Muumin Cabdi, waxaanu kaga guuleystay muxiyadiin codad aad iskugu dhow kaasi oo ahaa 21 uu helay muxiyadiin halka ay hoodo ku hadhay 18 cod. ka dib markii la yeedhiyey natiijadii codbixinta waxay munaasibadaasi hoodo ka soo jeedisey khudbad taariikhi ah taasi oo ay ugu hanaysay gudoomiyaha ka guuleystay, waxaanay kula dardaarantay ardayda in ay la shaqeeyaan gudoonka cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxay iyaduna sheegtay in ay si hagar la’aan ah ula shaqayn doonto. doorashadda noocan oo kale ahi waxay ardaydu ku baran doonaan habka iyo hannaanka suuban ee hogaamineed, waxaana loo baahan yahay in la sii joogteeyo hawlaha noocan oo kale ah.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here