DAAWO SAWIRRADA+AKHRI Warbixin Soo Bandhigtay Qofka Kaalinta 1aad U Galay Shiishka Masaafadda Dheer Ee Dunida

0
58

 

Askri reer Kanada (Canada) ah oo ku takhasusay shiishka kana tirsan ciidammada khaaska ah ayaa noqday inta la xaqiijiyay qofkii koobaad ee toogasho ku dila ruux maraya meel u jirta 3,540 mitir.

Askaringan ayaa toogasho ku dilay qof ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo marayay meel ka fog labo Mayl.

Craig Harrison oo Britain u dhashay ayaa markii hore kaalinta koobaad ku jiray marka laga hadlayo dadka meelaha fog wax ka toogtay, isaga oo askari Taliban ah ku dilay Afghanistan sannadkii 2009kii, iyadoo askarigaasi uu toogashada ka sameeyay meel u jirta 2,475 mitir.

Ciidammada qalabka sida ee dalka Kanada ayaa hadda haysa saddex ka mid ah shanta darajo ee ugu saraysa dhanka toogashada masaafada fog ee la xaqiijiyay.

Askarigan aan magaciisa la sheegin ee dilay dagaalamaha ka tirsan malayshida Dawladda Islaamka ayaa adeegsaday qoriga wax lagu shiisho ee McMillan TAC-50 isaga oo meel kore saaran.

Xabbda uu riday waxay dhexda ku sii jirtay 10 ilbiqirsi, taas oo xattaa ka xawaare dheer diyaaradaha ganacsiga ee Boeing 747.

Qoryaha noocaas oo kale ah waxaa adeegsada ciidammada badda ee Maraykanka, komaandoosta ciidammada badda ee Faransiiska, waxaa kale oo adeegsada ciidammo ay ka mid yihiin kuwa khaaska ah ee Turkiga, Georgia, Koonfur Afrika, Jordan, Israa’iil iyo Filibiin (Philippines).

Qofka kale ayaa ruuxa wax tooganaya siiya macluumaad ay ka mid yihiin meesha uu tooganayo, xaaladda dhulka iyo xogta kale ee uu u baahan karo qofka wax tooganaya.

Waxay adeegsadaan diirado si ay u go’aansadaan bartilmaameedkooda, askariguna wuxuu adeegsadaa mid ku dhagan qoriga dushiisa si uu diiradda u saaro cadawga.

Sababtoo ah mararka qaar waxay aad ugu dhaw yihiin dagaalka waxayna wataan hubkooda saacado ayayna is qarin karaan iyaga oo sugaya in caddawgooda ay diiradda la helaan.

Dagaalameyaasha Kurdiyiinta ah ee ku sugan magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ayaa la arkay iyaga oo adeegsanaya diirado yaala goob wax laga shiishoLahaanshaha sawirkaREUTERS

Dagaalameyaasha Kurdiyiinta ah ee ku sugan magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ayaa la arkay iyaga oo adeegsanaya diirado yaala goob wax laga shiisho

Haddii toogashadu khaldanto qofkii la socday ayaa u sheegi kara in uu cabaysto mar kale, ujeedadooda ay badalaan amaba ay ka laabtaan hawlgalkii ay wateen oo dhan.

Qofka caawinaya askariga wax tooganaya waxaa kale oo uu gacan ka siiyaa in uu u qaado waxyaabah culculis.

Kooxo badan waxay gacanyare ka dhigaan qofkooda ugu khibrad badan marka ay timaaddo in wax la toogto.

Waxay uga golleeyihiin in uu qiyaaso xawaaraha hawada, dhulka, kulaylka cimilada iyo waxyaabaha kale ee laga yaabo in ay saameeyaan shiishka.

Intaas wixii ka dambeeya qofka waxshiishaya ayay tahay in uu xakameeyo neefsigiisa, dhagaysto talada la siinayo uuna xabbadda rido.

_96605216_reuters_rifle3 _96610088_getty_rifle2_976 Askarta wax shiishta ee Kanada ayaa sawirkan laga qaaday 2006dii iyaga oo ku sugan Afghanistan Dagaalameyaasha Kurdiyiinta ah ee ku sugan magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ayaa la arkay iyaga oo adeegsanaya diirado yaala goob wax laga shiisho Qoriga wax lagu toogto ee The McMillan Tac-50 A1-R2 oo lagu gadayo Las Vegas

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here