DAAWO SAWIRRO Aad U Badan: Soo Dhawayn Madaarka Hargeysa Ka Dhacday Oo Lagu Qaabiley Ardaydii reer Somaliland Ee Dhawaan Kasoo Qalin-jebiyey KIU

0
38

DAAWO SAWIRRADA: Soo Dhawayn Madaarka Hargeysa Ka Dhacday Oo Lagu Qaabiley Ardaydii reer Somaliland Ee Dhawaan Kasoo Qalin-jebiyey KIU

“Waanu Ka Gaadhanay Hadafkii Aanu Ka Lahayn Waxbarashada Labada Sanno Socotay Ee Master-Ta.” Barkhad Kaariye Hargeysa (Hubaal) Aradaydii reer Somaliland ee ka qayb gashay xafladii qalinjabinta Jaamacada Kampala International University ee dhamaystay waxbarashada sare ee Master, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Ardaydan oo bartay Cilmiga Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Dublamaasiyada ayaa waxa lagu soo dhaweeyay qolka VIP-da Madaarka caalamiga ah ee Cigaal.

Soo dhawenta ardaydan oo ay ka qayb galeen saraakiil ka tirsan Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland, Saxafiyiin, iyo ehelada ardaydan ayaa waxaa halkaasi saxaafada kula hadlay Wariye Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ahaa ardaydaasi shahaadda sare ee Master-ta ku soo diyaariyey Dalka Uganda waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:- “Guud ahaan qalijabintii aanu ka qayb galay waxay ahayd ardayd gaadhaya laba kun sagaal boqol iyo koobiyo sideetan 2981 qof, oo ka kala yimi dalal badan oo Africa ah Somaliland dabcan ka mid ahayad iyo sidoo kale Soomaaliya, waxa boqol todobaatan iyo lix 176 ka mid ahi ay ahaayeen Soomaali, oo Somaliland waxaanu ku ahayan dhawar iyo labatan.”

“ lixdayada halkan fadhiya ayaa uga qayb galayey munaasibadaasi Somaliland, waxaanu runtii la kulanay soo dhaweyan gaar ah oo arday ahaan iyo Somaliland ahaanba naloo soo dhaweeyay oo Jaamacadu noo samaysay, waxaa kale oo xusid mudan afar ka mid ah lix dayadan Somaliland uga qayb galay xaflada in ay kaalmaha hore galeen oo Jaamacadu aqoonsi siisay, macnaheedu uu yahay lagu abaal mariyey lagu sharfay waxbarashada heerka ay ka gaadheen, afarta qof waa Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) tafatiraha Wargayska Geeska Afrika ee Hargaysa ka soo baxa, Maariya C/laahi Gahayar, Hibaaq Ibraahim Gamuute, iyo aniga oo Barkhad Maxamuud Kaariye ah, oo ka mid ah wariyayaasha Idaacada VOA ee Somaliland.”

Wariye Barkhad Kaariye ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ dad badan oo qoomiyado kala duwan ah ayanu calanka Somaliland isla dhex taagnay taasina waxaan qabaa waa guul noo soo hoyatay, waxaan ku soo koobayaa waanu ka gaadhanay hadfkii aanu ka lahayan waxbarashadaa labada sano socotay.”ayuu yidhi Wariye Barkhad kaariye.

aaaaaaaaaaaaa

555
22222

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here