Hargeysa (Hubaal):-Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa maanta munaasibad soo dhawayn ah ku qaabilay masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dawladii Daahir Rayaale iyo xubno ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Xubnaha maanta shaaciyey inay ku biireen xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa kala ahaa Wasiirkii Hore Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Madaxweyne Riyaale mudane Axmed Xaaji Daahir Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradaasi Cali Cilmi Geele Iyo Sidoo Kale Isla Agaasimihu Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) Ismail Mire Maxamed , Nux Ahmed, Muj Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey), Cali Ciise Iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaale.
Munaasibada lagu soo dhawaynayey xubnahan oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Murashaxa Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ahna Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, Iyo Xildhibaano ka Tirsan Labada gole ee wakiilada iyo guurtida.
Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan xubnahan ku soo biiray xisbiga waxaanu yidhi “Waxaan idin leenahay ku soo dhawaada Xisbiga kulmiye waa xisbi Dimuqraadiya oo aan la kala lahayn ka maanta soo galay iyo kii hore u sii joogayba mar walba waan idin ku soo dhawaynayanaa”.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Ahna murashaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in xubnahan ku soo biiray xisbigu ay wax weyn ka badali doonaan geedi socodka xisbiga waxaanu yidhi “Waan soo dhawaynaynaa Siyaasiyintan ku soo biiray Xisbiga Kulmiye kolay waa niman odayaal ah oo wax weyn ku soo kordhin doona xisbiga waxaan leenahay ku soo dhawaada”.
Siyaasi Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ka waramay sababta ay ugu soo biireen xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu go,aansanay inaanu ku soo biirno xisbiga Kulmiye, runtiina umaanu soo doonan xoolo iyo dhaqaale laakiin waxaanu u soo galnay sidii aanu uga qayb qaadan lahayn horu marka iyo wax wada lahaanshaha uu xisbiga waddo.”
Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta somaliland ee xukuumadii Daahir Rayaale oo isaguna ka hadlay munaasibadan ” Sida ay sheegeen saaxiibadaydii iga horeeyey xisbiga Kulmiye ugu maanu soo biirin inaanu xoolo ka helno balse waxaanu u nimid sidii aanu xisbiga wax u tari lahayn, waxaanan balan qaadaynaa inaanu hiil iyo hooba la barbar istaagi doono xisbiga.”
Ismaaciil Mire oo ka mid ah siyaasiyiinta maanta shaaciyey inay ku biireen xisbiga mucaafidka ah ee Kulmiye ayaa dhinaciisa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay xisbiga Kulmiye dedaal badan u galin lahaayeen.
Cali Cilmi Geele Oo Ka mid ahaa Siyaasiyiinta Waa weyn ee Xisbiga Waddani ayaa sido kale saaka mar qudha lagu dhex arkay munaasibadan, waxaanu cadeeyey inuu ka baxay xisbiga xisbiga Waddani kana mid yahay xisbiga Kulmiye waxaanu yidhi “Anigu waxaan hore uga mid ahaa guddida fulinta xisbiga Waddani balse maanta laga bilaabo waxaan ka mid ahay xisbiga Kulmiye, runtiina layma xumayn wax dhib ah oo iga keenayna ma jiraan xisbigii aan markii hore ka tirsanaa laakiin aniga ayaa doorbiday inaan ka mid noqdo xisbiga Kulmiye