Berbera (Hubaal) – Munaasibad miisaankeedu culus yahay oo maanta lagu qabtay magaalo xeebeeda Berbera ee Somaliland ayaa Xukuumadda Somaliland ay si rasmi ah ugu wareejisay Shirkadda Caalamiga ah ee DUBAI Port World ee magaceeda loo soo gaabiyo DP World gacan ku haynta iyo horumarinta dekeda Berbera kadib heshiis dhawaan ay dawladda Somaliland si rasmi ah ugula saxeexatay shirkaddaas muddo sododn sanno ah in ay maamusho dekeda. Xafladdan ooahayd mid si weyn loo soo agaasimay kana soo qaybgaleen Madaxda ugu saraysa shirkada Dp World iyo Madax sare oo ka socday dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Itoobiya ayaa ahayd mid ay shirkada DPW si rasmi ah ugala wareegtay dawladda Somaliland dekeda Berbera sidii ay heshiisyadii hore lagu cadeeyey, balse munaasibadan ayaa ah midii ugu weynayd ee dalka lagu qabto, taas oo lagu shaaciyey heshiiskaasi hore uga dhacay Dubai. Weftigii miisaan leh oo ka socday shirkada Dp world ayaa subaxnimadii hore maanta May 11 2017 ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Kuwait Terminal of Berbera, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey weftiga xubno ka mida golaha wasiirada oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo madaxda gobolka Saaxil, waxaana loo soo gelbiyey dhinaca guriga martida ee magaalada Berbera waxaana ku qaabiley madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somailand Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ka dibna waxa loo gudbay dhinaca dekeda oo ay ka dhacday munaasibada wareejinta dekedu, waxaana halkaasi hadalo ka jeediyey maareeyaha dekeda Berbera ee Dp World (DP World Berbera CEO Ibrahim Al Hammadi, said), maamulaha shirkada Dp World, (DP World Group Chairman & CEO Sultan Ahmed bin Sulayem, said), wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire iyo Madaxweynaha oo isagu soo xidhay munaasibada, ka dibna shahaadooyin ayuu madaxweynuhu gudoonsiyey isagoo uu wehelinaayo maamulaha shirkada Dp World, masuuliyiintii ka socday dawlada Somaliland iyo shirkada DP World ee qaybta weyn ka qaatay in ay hirgasho oo lagu guulaysto heshiiskan taariikhiga ah ee Somaliland iyo DP World ay wada galeen. Maamulaha shirkadda DP World Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa isaguna dareenkiisa la xidhiidha munaasibadan halkaa ka jeediyey “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha Jamhuuriyadda somaliland iyo dawladdooda oo kaalin mug leh ku yeeshay hirgelinta munaaisbadan iyo wareejinta dekedda”, sidaas waxaa yidhi maamulaha ama CEO-ga guud ee shirkadda DP World sida lagu sheegay war murtiyeed kooban oo ay shirkadda DP world warbaahinta u qaybisay kaasi oo luuqadda Ingriiisada ku qornaa,
Madaxweynaha qaranka Somaliland, Md Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ka warramay xidhiidhka ganacsi ee labada shacbi ka dhexeeyey mudada dheer.