Muqdisho (Hubaal/Ilaysnews)- Abwaanka caanka ah ee Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Singub) oo kamid ah foollaadka fanka iyo suugaanta Soomaalida ayaa maalmihii u dembeeyey la jiifay xaallad caafimaad, kadib markii ay lasoo derseen xannuuno isku lammaani, kuwaas oo sababay in loolla cararo cusbitaalka.
Abwaan Singub oo muddooyinkii u dembeeyey ku sugnaa magaallada Muqdisho ayaa xaalladiisa caafimaad lagula tacaallayaa cusbitaalka loogu magac daray madaxweynaha Turkiga ee Reccep Tayyib Erdogan Hospital [Ex-Digfeer], halkaas oo ay maalintii shalay koox weriyeyaal ah oo ku booqday cusbitaalku ka deyriyeen caafimaadkiisa iyagoo ku tilmaamay mid liidata. Weriye Cismaan Cabdillaahi Guure oo loo yaqaanno Abwaan Guure isla markaana ah Agaasimaha Idaacadda fadhigeedu yahy Muqdisho ee radio KULMIYE oo ay weheliyaan weriyeyaal kale ayaa maalintii shalay ku booqday Abwaan Singub Cusbitaalka uu jiifo iyaga oo sheegay in abwaanku la il daran yahay canuunno ay Macaanka [Diabetics], Dhiig-Kar [blood pressure] iyo xannuuno kale oo ku soo baxay markii qalliin lagu sameeyay. Abwaan Singub ayaa hore u sameeyay Ruwaayaddo dhowr ah, suugaanno kala duwan oo isugu jiray Jaceyl iyo Wadani, waxaana afartii sanno ee u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho.
Waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay soo saaray dhalinyaro fanaaniin ah oo u sameeyay heeso kala duwan, waxaana lagu xusuustaa heestii caan baxday ee “Kacday Kuftay”, kaasoo ay ku luuqeeyaan Kooxda Fanaaniinta Deegaan ee Jabuuti. Abwaan Sangub ayaa ah Abwaanada hala abuurka leh ee ka haray abwaanadii dalka soo maray, waxaana lagu amaanaa inuu yahay wadani dal jaceyl ah.