DAAWO SAWIRRO Badan Oo Ku Saabsan Hadhimo Sharafeed Ay Haldoorka Beellaha Ciidagalle Shalay Ku Qaabileen Guddoomiyaha Cusub Ee Baanka Dhexe Ee Somaliland
“Waxay Madaxweyne Siilaanyo Uga Mahad-celiyeen Magacaabista Guddoomiye Maxamed Cabdi Dhoobaale”
Hargeysa (Hubaal) – Madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, ganacsatada, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haldoorka degta Koonfurta Hargeysa ayaa hadhimo sharafeed qaddo ah ku maamuusay guddoomiyaha cusub ee Baanka Somaliland Md. Maxamed Cabdi Dhoobaale.
Hadhimo Sharafeedkan oo si heer sarre ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Ambassador Hotel ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xilka guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Dhoobaale, waxaana sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo looga mahadceliyay inuu kursigaasi u magacaabay masuul khibrad iyo aqoonba u leh oo u qalmayey.
Ujeedada Qado sharaftan ayaa ahayd mid lagu soo dhaweynayo xilka loo magacaabay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, sidoo kalena Madaxweynaha Somaliland looga mahadnaqayo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Garaad Mustafe Maxamed Cumar iyo Caaqil Cabdirisaaaq Maxamed Askar oo ahaa qaban-qaabiyeyaashii hadhimo sharafeedkan Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Madax dhaqameed kala duwan oo iskugu jiray Salaadiin, Cuqaal, Ugaasyo, Garaaddo iyo Odayaal kale, waxaanay dhammaantood si isku mid ah u bogaadiyeen Guddoomiyaha cusub ee Baanka Somaliland Md. Maxamed Cabdi Dhoobaale, sidoo kalena waxay u mahad-naqeen Madaxweynaha Somaliland, iyaga oo intaasna ku daray inay soo dhaweynayaan xilkan, kuwo kalena ay xukuumadda uga fadhiyaan in loo magacaabo.
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha uga mahad-naqay xilkaasi uu u magacaabay Maxamed Cabdi Dhoobaale oo uu ku tilmaamay inuu yahay masuul khibrad iyo aqoon durugsanba u leh shaqada Baananka.
Guddoomiyaha cusub ee Baanka Somaliland Md. Maxamed Cabdi Dhoobaale oo isna halkaas ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyay bulshadda hadhimo sharafeedka ku maamuustay, waxaanu sheegay in maamuuskani uu ku abuuray dareen gaar ah oo gacaltooyo “Madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, ganacsatada, culumadda, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo dadka soo qaban-qaabiyey kulan sharafeedkan waan idiinka mahad-naqaya, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyana Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ii gartay inaan wakiil uga noqdo Baanka Dhexe ee Somaliland, waxaanan leeyahay Madaxweyne aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay waanan kaa guddoonay. Ugu dambeyntii dhammaantiin waxaan idinka codsanayaa in la iigu duceeyo in xilka Alle igu asturo”.
Ugu dambeyntii, waxaa hadhimo sharafeedkan soo xidhay Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ugu horeynba waxa uu carabka ku dhuftay Abaaraha ka jiran Somaliland, isagoo sheegay in Abaarta dhacday sababteeda ay leeyihiin bulshaddu, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Sakadda oo uu sheegay inaan sidii loogu talo-galay aan loo bixin waxaanu alle uga baryay in uu alle abaaraha ka jabiyo Umaddiisa .
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku boggaadiyey Madaxweynaha Somaliland magacaabista Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, isaga oo guddoomiyaha cusubna ugu duceeyay inuu xilka culus uu Ilaahay ku asturo.