Hargeysa (Hubaal)- Xisbiga taladda Dalka hogaamiya ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay Taageerayaal Laxaad leh kuwaasi oo kasoo jeedaa deegaanada War-Cibraan , Gunbur Libaax iyo Deegaano kale oo hoos yimaada Degmada Burco iyo guud ahaanba gobolka Togdheer.
Soo dhaweynta Taageerayaashan xoogan waxaa ka qayb galay Wefti balaadhan oo uu hogaaminaya Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, oo ay weheliyaan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi , Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxarduud Cadaani , Safiirka Somaliland ee Imaaraatka Baashe Cawil Cumar iyo Madax kale.
Munaasibadani oo lagu qabtay Hotel City Plaza ee Magaalada Burco ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay dadweyne aad u tiro badan kuwaasi oo uu uu horkayay Suldaanka Guud ee beelaha Maxamed Sh. Isixaaq Suldaan Maxamud Xaaji Xuseen Nuur.
Xildhibaanka beesha Maxamed Sheekh Isixaaq uga soo baxay golaha deegaanka ee Burco Cabdirisaaq Xuseen Obsiyee ( Shiine Faliidh ) , Ibraahim Axmed Rooble oo ka mid ahaa Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI ayaa shaaciyay inay hada wixii ka dambeeya diyaar u yihiin taageerada Xisbiga KULMIYE iyo dhismihiisa.
Suldaanka Guud ee beelaha Maxamed Sh. Isixaaq Suldaan Maxamud Xaaji Xuseen Nuur ayaa guddoomiyaha Xisbiga ugu bushaareeyay inay maanta laga bilaabo deegaanada War-cimraan , Gunbur Libaax iyo guud ahaan deegaanada beeshu degto ay si niyadsam kula shaqaynayaan Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa xisbiga KULMIYE kusoo dhaweeyay Taageerayaashan kusoo biiray isaga oo sidoo kale ku qaabay inay golaha wakiilada Somaliland baadhaan dhiilada ka dhalatay Socdaalkii Weftiga Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno xisbigiisa ka jirtan oo la sheegay inay kulan qarsoodi ah la yeesheen raysul Wasaaraha Somaliya.