DAAWO SAWIRRO BADAN+WARBIXIN ku Saabsan Khudbadaha Laga Jeediyey Shirweynaha Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE  

0
44

Khubaro Iyo Aqoonyahanno Reer Somaliland Ah Oo Ayaa Shirka Ku Soo Bandhigay Mawduucyo La Xidhiidha Mustaqbalka Dhalinyarada Somaliland

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa daah-furay shirweynaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, kaas oo si rasmi ah uga furmay hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay. Munaasibadda daah-furka shirweynaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay, madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, xildhibaanno, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennadiisa, hoggaanka garabka dhallinyarada ee heer qaran iyo heer degmo, haween, marti-sharaf kale iyo ku dhawaad 1500 ergay oo ka mid ah dhallinyarada xisbiga ee ka qaybgalaya shirka oo isaga kala yimi gobollada oo dalka. Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay guddoomyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa madasha ku daahfuray hadallo ku saabsan waxqabadka xisbiga KULMIYE iyo weliba sida uu mar walba xisbigu muhiimad gaar u siiyo da’yarta dalka, taas oo horseedday inay dhallinyaro badani taariikhda markii ugu horray qabtaan xilal culculus oo aan hore loogu aamini jirin, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Waxa aan la iska indho tiri Karin oo taariikhda ku shirka-kulmiyesuntan waxqabadka xisbiga KULMIYE iyo horumarka la taaban karo oo insha allah baal dahab ah taariikhda lagaga xardhi doono, taas oo dhiirrigelin iyo rejo-ba ku abuurtay dhammaan dhallinyarada Somaliland, Xukuumaddanina waa xukuumaddii horumarka iyo dhiirrigelinta iyo kor u qaadista hanka dhallinyarada Somaliland, waxana ay ku dhiirratay oo ka badheedhay inay deyrkii iyo xayndaabkii yaraa ee dabarka ku ahaa siyaasadda dhallinyarada ay ku dhiirrato oo goleyaasha qaranka laga ansixiyo in dabarkii la qaado, waana taasi maanta sababtay xubnaha golaha deegaanka ee ugu da’da yar.” Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday guulihii isdaba joogga ahaa ee uu xisbiga KULMIYE gaadhay iyo sidii uu uga soo gudbay caqabado tiro badan oo ku gedaanaa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in guul kasta oo uu xisbiga KULMIYE gaadhay ay dhallinyaradu sabab u ahayd, waxana uu yidhi, “Waxan rumaysanahay in saddex arrimood ay horseed ka yihiin inuu xisbiga KULMIYE guulo waaweyn gaadha gobollada dalka intooda bandanna aqlabiyadooda hoggaamiya, dhammaanba doorashooyinkii dhacay, kuwaas oo kamid tahay inuu xisbiga aasaasay hoggaamiye leh aragti dheer, xisbi leh barnaamij iyo qorshe uu bulshada usoo bandhigo oo uu quluubtooda ku kasbaday iyo ta ugu weyn oo ah inuu KULMIYE ahaa xisbigii kasbaday haldoorkii  iyo aqlabiyaddii dhallinyarada, waana ta uu KULMIYE ku guulaystay waxana uu hawlgeliyey dhallinyaro badan oo aan lacag la siinin, gunno lagu kaxaysan karin oo mabaad’ii siyaasi ah aaminsan.”   Madaxweynaha Jamhuurriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa isaguna daaf-furka shirkan ka jeediyey khudbad uu diirrada ku saaray mihiimadda ay dhallinyaradu bulshada dhexdeeda ku leeyihiin iyo weliba doorka ay ka ciyaareen kobcinta dhaqaalaha iyo weliba fidinta aqoonta, waxana uu yidhi, “Waxa hubaal ah, in Dhallinyarada Dalka ee aad ka midka tihiin, ay yihiin labeenta, laxaadka, iyo laf-dhabarta uu ku faanayo qarankan yagleesha ah, ee loo soo daadiyey dhiigga iyo dhididka faraha badan. Ummad aan da’yar lahayn, waxay ka dhigan-tahay beer aan baad iyo biyo toonna lahayn, haddaba waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo hawada u mariyo, dhammaan Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, dedaalka, iyo doorka ay kaga jiraan dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, fidinta aqoonta, kobcinta dhaqaalaha dalka, taaba-gelinta iyo difaaca qarannimada.” Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata Waxa uu dhallinyarada iyo guud ahaan taageerayaasha kale ee xisbiga KULMIYE-ba ugu baaqay inay si buuxda u taageeraan murrashixiinta xisbiga KULMIYE ee xilligan, si loo gaadho hadafyada iyo himilooyinka uu xisbigu leeyahay, “In kasta oo ay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye wax-weyn qabatay, hadana waxa dhab ah inaan muddo xileed keliya wax walba lagu xaqiijin Karin,haddaba, si aynu halkaa uga sii ambaqaadno wax-qabadka iyo horumarka aynu seeska u dhignay, waxaan dhammaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqayaa inay si buuxda isu-garab-taagaan Musharixiinta Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada, waxaan u arkaa, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Mudane, Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi, in ay yihiin hoggaamiyayaal ku munaasib ah, in ay halkaa ka sii wadaan hamigaygii siyaasadeed iyo himilooyinkii Xisbiga Kulmiye uu ku doojin lahaa dalkan,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxa kaloo shirkan oo socday labadii galinba lagu faaqiday mowduucyo la xidhiidha mustaqbalka iyo dhallinyarada Somaliland, kuwaas oo ay soo bandhigeen aqoonyahan iyo khubaro ka tirsan ka qaybgalayaasha shirku.

1
2
3
4

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here