DAAWO SAWIRRO Fara Badan Oo Bilic Leh Oo Laga Soo Qaaday Madal Kulmisay Labeenta Dhaqanka Shalay Lagu Caleemo Saaray Suldaanka Beellaha Curadka Ciidagale

0
87

Xafladda Caleemo-saarka Ayaa Lagu Qabtay Isla Geedkii 20 Sanno Ka hor Lagu Caano-shubay Suldaanka Cusub Aabihii Alla Ha U Naxariistee Suld. Galaal Oo Ahaa Suldaanka Labaad Ee Beellaha Ciidagale

DAAWO SAWIRRO Fara Badan Oo Bilic Leh Oo Laga Soo Qaaday Madal Kulmisay Labeenta Dhaqanka Shalay  Lagu Caleemo Saaray Suldaanka  Beellaha Curadka Ciidagale Ee Maxamed Daa’uud  (Guuyoobe)

Qoton-dabo (Hubaal) – Caleemo-saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo ah Suldaanka guud ee beesha Maxamed Daa’uud (Guuyoobe) oo ah curadka beellaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale), ayaa shalay   lagu caano shubay  tuullada Qoton-dabo oo ka tirsan degmada Sabowanaag ee gobolka Maroodi-jeex. Caleemo-saarka Suldaan Sakariye Suldaan Galaal,ayaanay u kala hadhin bulshada reer Somaliland madaxdhaameed,Xukuumad iyo Asxaab isla markaana si weyn  looga wada qeyb galay, waxaana goob joog ka ahaa madax-dhaqameed kala duwan oo tiradoodu ahayd dhawr iyo labaatan xubnood oo iskugu jiray  Boqorro,Garaado,Salaadiin iyo cuqaal, kuwaasi dhammaantood caleemo-saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxmed Cabdilaahi ugu duceeyay in ALLE ka dhigo Suldaan la mahadiyo. Waxaa kale oo ka qeyb galay  Caleemo-saarka Suldaan Sakariye Xubno ka tirsan golaha Wasiirradda Xukuumadda Somaliland madaxda Xisbiyada Qaranka iyo boqolaal qof oo ka mid ah bulshadda ka soo jeeda ardaaga Suldaanka la boqrayay.

Waxa iyaguna si weyn u muuneeyay xafladdii loogu caano-shubayay Suldaan Sakariye, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbi Xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge  (Jaamac Shabeel), Mudaneyaal ka tirsan labada gole qaran,ganacsato Culimo aw diin siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hadal kooban ka jeediyay Caleemo saarka Suldaan Sakariye,ayaa Suldaanka cusub ugu duceeyay in ALLE xilkiisa ku asturo isla markaana uu ka dhigo Suldaan dhaqan oo la mahadiyo, waxaanu balan-qaaday inuu si dhow oo  odaynimo ula shaqeyn doono.

Suldaan Sakariye  Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Galaal), oo ka hadlay xafladii caleemo-saarkiisa ayaa u mahad-naqay madax-dhaqameedkii soo ajiibay inay ka soo qeyb galaan caleemo saarkiisa, siyaasiyiintii iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaanu sheegay inuu ILAAHAY ka baryayo inuu u fududeeyo xilka loo doortay, waxaanu sheegay inuu ka shaqeyn doono adkaynta nabad-gelyadda iyo horumarka bulshadda.

Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Galaal waxa  uu cuqaasha iyo waxgaradka doortay ku booriyay inay ka gacan siiyaan sidii uu uga midho dhalin lahaa waajibaadka uu u qaaday.

Goobta lagu caano shubay  Suldaan Sakariye,  ayaa ah  isla goobtii lagu caleemo saaray Alle ha u naxariistee  Aabbihii Suldaan Maxamed Cabdilaahi (Suldaan Galaal) bishii December 1996-kii, waxaanu marxuumku ahaa suldaanka labaad ee Beelaha Ciidagalle, waxaanu ALLE ha u naxariistee  Suldaan Galaal ku geeriyooday kal-hore isagoo gudanayay moosinkii xajka.

1 Caleemo sAarka Shoodhe Suldaan Galaal
4 Caleemo sAarka Shoodhe Suldaan Galaal
3 Caleemo sAarka Shoodhe Suldaan Galaal
2 Caleemo sAarka Shoodhe Suldaan Galaal
IMG_4629

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here