Hargeysa (Hubaal) Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa galabta illaa caawa fiidkii booqasho uu ugu kuur gelaayey xaalada warbaahineed iyo weli ba sida ay u shaqeeyaan wariyeyaasha Somaliland uu ku soo kala maray qaar ka mid ah xarumaha Warbaahinta Somaliland ee magaalada Hargeysa iyo weli ba sida oo kale Madbacadda qaranka Somaliland.
Xarumaha warbaahinta ee guddoomiye Cirro uu socdaalka ku soo maray oo kala ahaa talefeeshanka Horn Cable, Saab tv, Kalsan tv, Bulsho tv, Star tv, wargeyska Geeska Afrika, Jamhuuriya, Saxansaxo, Ogaal, Wargeyskka Dawlada Ee Dawan, War-sugan iyo Wargeyska Waaheen, waxaana guddoomiye Cirro halkaas ku qaabilay mas’uuliyiinta, tifaf-tireyaasha iyo weli ba sida oo kale wariyeyaasha kala duwan ee ka hawl-gala xarumahaas Warbaahineed iyaga oo si aada u muujiyey in ay si aada ugu faraxsan yihiin booqashada kediska ah ee uu ku soo maray.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo isna dhankiisa halkaas hadalo kooban ujeediyey mas’uuliyiinta iyo weriyeyaasha xarumahaas warbaahineed, ayaa sheegay in maadaama ay maanta ku beegnayd maalintii loo asteeyey xuska dhallinyarada Somaliland awgeed uu booqashadan ku yimi xarumaha Warbaahineed ee Hargeysa, isaga oo carabka ku dhuftay in uu si aada uga soo war helay xaaladda kala duwan ee ay ku sugan yihiin hay’adaha Warbaahineed iyo weli ba sida oo kale duruufaha adage ee ay ku shaqeeyaan, waxaana uu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo xarumahaas isaga oo xusay in mustaqbalka dhow ay wax badan iska bedeli doonaan duruufaha shaqo ee ay ku nool yihiin warbaahinta kala duwan ee dalku.