Daawo Sawirro Laga Qaaday Xafiiska Sarkaalkii DAHABSHIIL Ugu Sarreeyey Saaxil Ee Xabsiga La Dhigay Iyo Faahfaahinta Xadhiggiisa Oo Lugaha La Galay Wareegtadii Madaxweynaha
Waxa Uu Diiday Inuu Lacagaha Shilinka Somaliland Ee Uu shirkaddu Gacanta Ku Hayso Kusoo Xareeyo Baanka Dhexe
Berbera:(Hubaal)-Ciidamada Booliska ee gobolka Saaxil, ayaa xabsiga u taxaabay Maamulihii guud ee shirkadda DAHABSHIIL u qaabilsanaa gobolkaas Md. Saleebaan Cabdilaahi Caddib, kadib markii sida la sheegayo uu maamuluhu ka dhego adaygay soo jeedimo sicir-bararka wax lagaga qabanayo oo ka yimi guddidii uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo arrimaha la dagaallanka sicir-bararka u magacaabay.
Inkasta oo aanay xukuumaddu weli si rasmi ah uga hadlin xadhiga masuulkan, haddana wararka naga soo gaadhaya gobolka ayaa sheegaya inay masuuliyiin ka socda wasaaradaha arrimaha gudaha, maaliyadda, caddaaladda oo kaashanaya hoggaanka laanta Baanka dhexe ku leeyahay magaalada Berbera, ay sarkaalka la xidhay fareen inuu baanka dhexe kusoo xareeyo lacago shilling Somaliland ah oo khasnadda Dahabshiil ku xaraysan maamaa oo shirkaddaas hore loogala noqday ruqsadda sarrifka, taas oo uu sarkaalkaasina si cad u diiday, isaga oo ku andacooday in lacagtaasi tahay mid ay macaamiisha shirkaddu isla leeyihiin.
Diidamda sarkaalka kadib ayey xubnaha guddida ahi isku raaceen in xadhigiisa la amro, iyada oo aanu jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dawladda iyo dhanka shirkadda Dahabshiil midkoodna.
Habeen hore ilaa shalay waxa jira gaadiid qufulan oo lacago Shilin Somaliland ah ka daabulaya magaalada Hargeysa, isla-markaana ku xaraynaya xarumaha shirkadda DAHABSHIIL ee Berbera, taas oo ay xukuumaddu u aragto mid lagu khalkhal gelinayo degenaanshaha sarrifka lacagta oo si xoog ah meel loogu hayo.
Sawirro lasoo qaaday, ayaa muujinaya lacago jawaanno ku cabbaysan laga dejinayo baabuur qufulan, isla-markaana lagu daabulayo xarumasha shirkadda DAHABSHIIL ee magaalada Berbera, taas oo keentay inay shacabku si weyn ula socdaan oo carrabkooda ku badiyaan sababta keentay in lacago laga raro magaalo, magaalo kalena loo raro.