Hargeysa (Hubaal) Waxa magaalada Wajaale gelinkii dambe ee maanta si heer qaran ah loogu aasay allaha unaxariistee marxuun Axmed Xasan Cawke, oo ka mid ahaa Saxafiiyinta somaaliyeed, kaas oo ku geeriyooday magaalada Jig Jiga ee dalka Ethiopia.
marxuunka ayaa lagu aasay beer uu aabihii ku lahaa magaalada Wajaale oo ku aasan yahay, waxaana aaska marxuunka ka qayb galay madax kala duwan oo ka socota Maamulka Somaliland iyo ismaamulka somalida Ethiopia
Axmed Xasan Cawke ayaa u soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadaha BBC iyo VOA, waxaa uu mar soo noqday wariyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.
Sidoo kale waxaa uu ka shaqeeyay telefishinkii Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa tabintii ciyaarihii gobolada iyo horyaalada kubadda cagta, waxaa uu ahaa wariye madadaale badan.
Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa muddooyinkii dambe ka soo shaqeeyay Telefishinada Soomaalida, sida Telefishinkii Universal tv, Horn cable TV iyo Telefishinka Somaliland National TV.
Aaska marxuumka loogu sameeyay magaalo xudeedkeeda Tog-wajaale ayaa waxa kasoo qayb galay madax badan oo ka kala yimid dawladdaha Itoobiya iyo Somaliland, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha ismaamulka degaanka Somaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, saraakiil ka tirsan dawladda itoobiya iyo sidoo kale madax badan oo ka socotay dawladda Somaliland oo ugu horeeyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici, hoggaannada asxaabta qaranka Somaliland, Suxufiyiintii ay isku Jiil ahaayeen marxuumka iyo dhammaan bahda saxaafadda Somaliland iyo dadweyne kale oo tiro badan.