Hargeysa(Hubaal):- Wefti uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ahna isu-duwaha Arrimha Gargaarka Bini’aadanimada Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, isla markaana kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo ay ka wadahadleen heerka Abaarta Somaliland ka jirta iyo sida loogu baahan yahay Gargaar caalami ah, kaas oo ay ballan-qaadeen Weftigu.
Weftigaas ujeeddada socdaalkooda, waxyaabaha ay Madaxweynaha Somaliland ka wadahadleen iyo Malaayiin Doollar oo ay ballan-qaadeen inay kaga qayb-qaadanayaan Gurmadka Abaaraha oo ay caalamka weydiisanayaan, waxaa faahfaahin ka bixiyey Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Hoggaamiyaha Weftigaas oo Saxaafadda dawladda kula hadlay madaxtooyada markii uu kulankaasi soo dhammaaday, waxaanan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-