Hargeysa (Hubaal) Gudoomiyaha Dhalinyarada Ciise Muuse Galbeed Madaxwayne Siilaanyo U Sheegay Inaanay Muuse Biixi Taageersanayn Beesha Reer Samatar Oo Kaliya Balse Ay Taageersan Yihiin Beelaha Habar Awal Ee Subulaha Ilaa Saaxil
Shir Ay Habeen Hore Ay Yeesheen Odayaasha , Dhalinyarada Beesha Habar Awal , Oo Ka qabsoomay Hotel Crwon Ee Magaalada Hargaysa , Shirkaas Oo Taageero Loogu Muujinaayay Musharaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Xuseen Maxamed Dhalac Oo Ka tirsan Hogaanka dhalinyarada Gobolka Saaxil oo shirkaas ka hadlay ayaa madaxwayne Siilaanyo Fariin U Diray waxaana hadalada Xuseen Ka Mid Ahaa
Madaxwayne Waxaad U Haysataa ama kuwa kuu dhaw-dhaw ku sheegeen in Muuse Biixi Cabdi ay tageersan yihiin Beesha Reer Samar , Laakin Madaxwayne Waxaan Ku Sheegaynaa In ay tageersan yihiin Beelaha Daga Subulaha Ilaa Saaxil Ama Beel Waynta Habar Awal.
Waxaan kale oo aan madaxwayne ku shegayaa hadaanu nahay beesha reer Saaxil in aanu tageersanahay Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi.
Waxaan kale oo aan dhaleecaynayaa Ergadii Golaha Guurtida Ee Gashay Khilaafkii Ka Dhex Dhaxeeyay Siilaanyo iyo Muuse Biixi , Ergadaas oo garta u naqday si cadaalad dara ah u galay khilaafka , kaas oo gudoomiyaha guurtida oo ergadaa khilaafka hogaaminaayay uu ka eexday Gudoomiye Muuse , una eexday Madaxwaynaha